4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2017
Maxkamada ciidamada oo xukun ku riday rag Beydhabo ku dilay Sheekh Maxamed Deer


Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) – Maxkamada darrajada koowaad ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa'in ku riday Sedex dhalinyarro ah ku eedeysnaa in masjid ku yaala magaalada ku dhax toogteen todobaadkii hore wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Deer.

Maxkamada oo maalintii shalay soo gabagabeysay dhageysiga kiiska dacwada loo heystay sadexda dhalinyarrada ah oo lagu soo eedeeyay in gudaha Masjidka ku dileen wadaadka, ayaa ugu danbeyntii, soo saartay xukun isugu jiray dil iyo xabsi daa’in.

Maxamed Aadan Cali Baroow/ Gacan ku dhiiglaha dilka lagu xukumay 

Garsoorka Maxkamada ciidamada ayaa sheegay in Maxamed Aadan Cali Barrow oo ahaa ninkii gacantiisa ku dilay Sheekh Maxamed Deer lagu riday xukun dil ah halka Labada kale oo dilkan gacan ku siiyay iyana lagu riday xukun xabsi daa'in ah.

Maxkamada ayaa sheegtay in raggan eedeesanayaasha ahaa ay qirteen in Al -shabaab ka tirsanaayeen sidoo kale dilkaas ka dambeeyeen, waxaana gudoomiyaha maxkamada darrajada koowaad ee ciidamada uu saakay ku dhawaaqaay xukunka dilka ah iyo xabsi daa'in lagu riday labada kale oo lagu eedeeyay in ay caawiyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]