4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2017
Dhaxal sugihii Boqortooyada Sacuudiga oo la eryay

 

Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax ka beddellay qaabka dhaxalka Boqortooyada, isagoo wiilkiisa, Maxamed Bin Salmaan, ka dhigay ninka dhaxli doona boqornimada.

Ninkii dhaxalka Boqortooyada lahaa, amiir Maxamed Bin Nayef, ayaa darajadaas laga xayuubiyey, waxaana laga eryey wasiirnimadii wasaaradda arrimaha gudaha.

Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah ayaa sii hayn doona wasaaradda uu ku magacaaban yahay ee gaashaandhigga, wuxuuna sidoo kale noqonayaa ra'iisul wasaare ku xigeen.

Isbeddellada ayaa lagu shaaciyey dikereetooyin boqortooyo oo is xig-xigay.

Wakaaladda wararka ee dawladda Sacuudiga waxay sheegtay in boqorka uu ku baaqay in shacabka ay daacadnimo ugu muujiyaan amiirka cusub magaalada Makka fiidnimada Arbacada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]