4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2017
Puntland oo magaalada Bosaaso ku soo Bandhigtay rag ka soo goostay Daacish

Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Bosaso ku soo bandhigay rag ka soo goostay Daacish oo dhawaan isku soo dhiibay ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay Buuraha Cal-Bari ee gobolka Bari.

Rag-gan oo lagu sheegay in ay yihin saraakiil sar-sare oo ka tirsan ururka Daacish ayaa tiradoodu ay gaaraysay 8 nin sida laga sheegay munaasbad lagu soo bandhigayay oo maanta lagu qabtay magaalada Bosaso.

Qaar kamid ah rag-gan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dalbaday dowladda iyo dadwaynaha Soomaaliyeed in la iska cafiyo , isla markaana ay ka laabteen fikirkii hore ee Jihaadka oo ay ku sheegeen in uu ahaa mid lagu khalday.

Saraakiisha Puntland ayaa goobta ka sheegay in ragan ay horey uga tirsanaan jireen kooxda Al-shabaab ka dib-na ay ku biireen Daacish oo kamid ah kooxaha dagaalka adag kula jira Puntland , isla markaana fariisamaha ku leh gobolka Bari.

Ma cad-da go’aanka rasmiga h ee dowladdu ay ka qaadatay rag-gan oo la aamisan-yahay in cafis loo fidin doono ,waxaana si weyn loo adkeeyay amniga magaalooyin badan oo ku yaala Puntland, xilli ay soo dhowdahay munaasabad-dii ciidul-fidriga.

Ugu danbayn,Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta galinkii hore sheegay in fariismo ay kooxda Al-shabaab ku leeyihiin buuraha Gal-gala la bur-buriyay , isla markaana la dilay saraakiil ka tirsan kooxdaas oo ku dhuumaalaysanay buuraha Cal-bari.

Faysal M. Hassan
[email protected]