4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2017
Warbixin & Sawirro : Khasaaraha weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir


Talaado, June, 20, 2017 (HOL) -- Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar ismiidaamin ah duhurnimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari nooca CAASIGA ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa kaa oo siweyn loogu ekeysiiyay  gadiidka khudaarta iyo caanaha keena kuwaa oo inta badan lagu canshuuro xarunta degmada.

Goob joogayaal ah oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in qaraxa oo ahaa mid xoogan khasaare ballaaran u geystay xarunta iyo guud ahaanba dhismayaashii ka agdhawaa oo bur bur weyn uu soo gaaray.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay in ay gaartay 15 ruux, halka gadiidka gurmadka deg deg ah halkaa ka qaadeen dhaawacyada dad u badnaa rayid kuwaa oo la kala geeyay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ku dhaawacmay qaraxa uu ka mid yahay guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xassan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Xarunta la weeraray ayaa siweyn ugu dhaw Suuqa degmada Wadajir oo ka mid ah Suuqyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Waxaa halka uu qaraxa ka dhacay ku sugan ciidamada amniga dowladda Soomaaliya oo xiray dhamaanba jidadka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana jira meydad  wali laga soo saarayo dhismayaasha bur buray hoostooda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta degmada Wadajir, waxaana qaraxan uu imanaya xili isla todobaadkan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen maqaayada Pizza House ee degmada Hodan oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]