4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2017
Wasaaradda Waxbarashada oo soo bandhigtay daabacaadda buuggaagta manhajka waxbarshada Soomaaliya


Talaado, June., 20, 2017 (HOL) – Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay daabacaadda buuggaagta manhajka waxbarshada Qaranka ee Soomaaliya.

Buuggaagta ayaa la filayaa in laga heli doono xaruumaha lagu daabaco buuggaagta. 

Shir oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa maanta waxaa furay wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka, waxaana looga hadlayaa dib u habaynta qorshe hawleedka wasaaradda, kaas oo taabanaya dardargalinta samaynta manhajka waxbarasho ee dalka, muhiimad kala siinta hawlaha horyaala wasaaradda iyo tayaynta shaqaalaha wasaaradda.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Xukuumada mudane Xasan Cali Khayre ayaa bishii May daah-furay shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka.

Ra’iisul wasaarha oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga shaqayn lahaa hormarinta waxbarashada dalka, maadaama bulsho kasta ay ku hormarto sida ay dhalaankeeda wax u barto.

Halkaan ka aqriso war-saxaafadeed-ka kasoo baxay wasaaradda Waxbarashada:-


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia