4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2017
Maamulka Puntland oo sheegay in la bur-buriyay saldhigyo Al Shabaab ay leeyihiin

 
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidamada amniga Puntland ee loo yaqaano (PSF), ay bur-buriyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Al Shabaab oo ku yaalla Buuraha Cal Madow.

Warbaahinta degaannada maamulka ayaa baahiyay in weerarka khasaaro uu kasoo gaaray Al Shabaab.

Saraakiisha laamaha ammaanka ma sheegin tirada dagaalyahannada Al Shabaab ee ay ku dileen weerarka.

Kooxda Al Shabaab ayaa dhawaan sheegatay weerar ay ku qaadeen degaanka Af-Urur in ay ku dileen 61 askari oo ka tirsanaa maamulka Puntland. Balse Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Garoowe ayaa beeniyay in weerarkii Al-shabaab ee degaanka Af-urur looga dilay ciidamo tiro badan, islamarkaana laga qabsaday saldhigii ciidamadda ee Af-urur.

Degaanka Af-Urur, waxaa uu ka tirsanyahay Buuraleeyda Galgala, halkaas oo muddo ay saldhigyo ay ku leeyihiin Al Shabaab.  23-ka bishii April Al Shabaab ayaa Buuraha Gal-gala ku dilay 8 askari oo ciidamada maamulka Puntland ka tirsanaa.

Af-Urur ayaa ah degaan qiyaastii 60 miles dhinaca koonfur-galbeed kaga began magaala xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia