4/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2017
Jaaliyada Minnesota oo baaq nabadeed u soo jeedisay dhinacyada ku dagaalamay gobolka Hiiraan


Isniin, June., 19, 2017 (HOL) -Jaaliyada Soomaalieed ee gobolka Minneasota ayaa baaq nabadeed u jeedisay dhinacyada ku dagaalamay Hiiraan iyo Gal-guduud kaddib kulan afur ah oo iskugu yimaadeed magaaladda Minneapolis. 

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen xubno ay ka mid yihiin Ilyaas Xayuuke,Cabdiraxmaan Cashuur & Ganacsade Tooxow Siyaad (Tuure)  oo ka mid ah qurba joogta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo booqasho ku jooga ku magaalada Minneapolis,  odayaal iyo wax garad kale, kuwaas oo aad uga xumaa colaadaha ku soo laabtay deegaankaas.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan dadka dirirtu ka dhexeyso inay joojiyaan xabadda” ayuu yiri Nabadoon C/qaadir Oomo oo dhinaca kale ugu baaqay Odayaasha deegaanka inay si deg deg ah wax uga qabtaan colaadaha soo noq-noqday.

Xildhibaanadii ka hadlay kulankaas waxaa ka mid ahaa Cumar Waasuge (Cumar Riingo), C/fitaax Maxamed Cali, Sacadiyo Saalax Samatar,  Maxamuud C/raxmaan Beenebeene  iyo Xildhibaan hore Ilkacase, waxayna dhammaantood ku baaqeen in nabadda laga shaqeeyo.

Ka soo qeybgaleyaashii kulankaas ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay ololaha dowladda Soomaaliya ee xasilinta siyaasadda iyo amniga, gaar ahaan nabadeynta Muqdisho.

Sidoo kale waxay taageereen go’aankii ay dowlada Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ee ahaa dhex-dhexaadnimada. “Laba walaalo ah oo is haya inaan mid la safanno ma dhici karto, Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladda Soomaaliya waa ku saxanyihiin go’aanka ay ka qaateen arrintaas” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Riingo.

Farah M. Cali (Blue)
Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis,MN