4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2017
Ciidamo ka socda dowladda Turkiga oo gaaray magaalladda Doha ee dalka Qatar

 
Isniin, June, 19, 2017 (HOL) –Wasiirka difaaca dowladda Qatar ayaa shaaciyay in ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Turkiga ay soo gaareen magaalladda Doha ee caasimada dalka Qatar, si ay uga qeyb-qaataan dhoola tus military oo wada jir ah.

Ciidamada ayaa tababaradoodii ugu horeeyay ka bixinaya saldhiga military ee lagu magacaabo Tariq bin Ziyad base.

Tababarkan ayaa waxaa uu yahay mid muddo la qorsheynayay, waxaana uu qeyb ka ahaa heshiis laba dhinac ah oo dowladdaha ay wada gaareen, kaas oo lagu adkeynayo awooda labada waddan iyo sidii deganaashaha iyo xasiloonida loo darsi lahaa.

Heshiiskaasi ayaa la wada saxiixay bishii April ee sanadkii 2016.

Horaantii bishan Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meelmariyay hindise oggolaanaya in ciidamo Turkish ah loo daadgureeyo dalka Qatar.

Dowladda Turkiga ayaa safka hore kaga jirta waddamada taageersan dowladda Qatar tan iyo 5-tii bishan June markii uu soo bilowday khilaafka u dhexeeya waddamada Khaliijka iyo Qatar.

Dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo dowladdo kale ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la'aan ka wado gobolka.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia