3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 19, 2017
Priti Patel: UK oo kor u qaaday taageerada gargaarka si loo badbaadiyo nolosha dadka ku nool waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya

 
Isniin, June, 19, 2017 (HOL) – Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee dalka UK Priti Patel, ayaa ku baaqday dadaal cusub oo dheeri ah oo wadajir ah si looga hortago in malaayiin qof ay u dhintaan gaaji iyo cudur.

Wasiiradda oo ahayd qofkii ugu horreeyay ee booqda Afrika doorshadi guud kadib ayaa ammaantay sida hoggaanka UK u badbaadiyo nolosha dad badan oo soo food saartay halista gaajada.

Lakiin waxay ka digtay in dhibaatadu ay gaartay heer xasaasi ah iyo in dardargalin la’aanta dadaalada beesha caalamka ay khatar ku tahay horumarka la sameeyay iyada oo taasi ay keeni karto in dad badan ay dhintaan isla markaana khalkhal u keeni karta gobolka.

 Waxaa ay caddeysay in UK ay sii wadi doonto dadaalada, iyadoo ku dhawaaqday 90 milyan oo gini oo ah taageerada aadka loogu baahan yahay taasi oo caawin doonta in ka badan 2 milya o qof oo ku nool Soomaaliya iyo Itoobiya oo u baahan biyo nadiif ah, cunto, iyo caafimaadka deg deg ah. Deeqda lacagaha waxay isagu jiraan 60 milyan oo loogu tala galay Soomaaliya iyo 30 milyan oo loo qoondeeyay Itoobiya.

Soomaaliya  oo ah dal ay hareeyeen dagaallo sokeeye iyo xagjirnimo oo malaayiin qof ay ka carareen guryahooda, taageeradana maaha oo kaliya caawinta dadka si ay u noolaadaan, waxaa kaloo la siinayaa fursad ay ku doortaan noloshooda iyo mustaqbalkooda si aan loogu qasbin inay ku biiraan kuwa xagjirka mise ay galaan safarka halista ah ee dibadda.

Dowladda Itoobiya waxay muujisay hogaan adag abaartii 2016 waxayna la yimaadeen in ka badan 700 milyan oo doolar si ay u daboolaan baahida dadkooda. Waxaa ayna la shaqeynayaan dowladda si loo hubiyo in ay si waxtar leh uga jawaabaan sanadkan, si loo qorsheeyo isla markaana mudnaanta loo siiyo ayna kor u qaadaan maalgalintooda ay uga jawaabayaan abaarta.

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel ayaa waxay tiri:

“Dowladda Britain waxay horseed u tahay bixinta adeegyo halbowle u ah nolosha malaayin qof oo ku nool Soomaaliya iyo itoobiya kuwaas oo halis ugu jira macluul iyadoo laga cabsi qabo in abaartu isu bedesho musiibo.

“Waxan soo arkay gargaark UK ay bixiso oo ah badbaadinta iyo bedelidda nolosha. Tani waxay keentaa xasilinta wadamada aduunka ugu nugul taasi oo fursad u ah dadka nugul si ay u dhisaan noloshooda sidaas daraadeedna loo sugo ammaanka UK.”

“UK ayaa kor u qaaday taageerada isla markaana u ololeysay in bahwadaagta kalena ay taageero bixiyaan taas oo ka hortagtay faafidda abaarta. Waxaan muujinaya hogaankanaga  inagoo bixinayna cunto dheeri ah, biyo dheeraad ah iyo daawo badan oo loogu tala galay kuwa halista ugu jira inay u dhintaan abaarta iyo colaadda.”

“Dunidu waa inay nagu dayato isla markaana aan tallaabo qaadno si aan u cirib tirno dhibaatooyinka bani'aadamnimada oo halis  galiya xasiloonida caalamka isla markaana aan dardar galino horumarka nabadda iyo ammaanka- taas oo dan u ah cid kasta”

Adduunka waxaa soo wajahay dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo bani'aadamnimo 2017-ka, oo ay ka jiraan abaar qaybo ka mid ah Koonfurta Suudaan, oo si caalami ah loogu dhawaaqay tan iyo 2011-kii.

Jawaab deg-degga ah ayaa ka timid UK horaantii sanadkan oo ku wajahan dhibaatada cunta yarida sii kordhaysa ee geeska Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya oo loo balan qaaday £ 110 milyan, Itoobiya £ 11.5 milyan  iyo £ 10 milyan oo ay ku deeqeen dadweynaha  in la siiyo Guddiga Musiibooyinka ee Deg-degga ah taas  oo keentay jawaab caalamiga ah. Taageeradan ayaa waxaa looga gol lahaa in looga hortago macluusha ka jirta Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin qatarta wali wey jirtaa.

Marwo Patel ayaa sidoo kale ku cadaadisay Saaxiibada Caalamiga ah, oo ay ku jiraan Baanka Adduunka in ay si deg deg ah u bixiyaan maalgelin badan. Baanka ayaa balan qaaday $1.8 Bilyan oo uu ku bixiyo meelaha dhibaatooyinka ay ka jiraan, oo ay ka mid tahay Soomaaliya oo loo balan qaaday $50 milyan, Itoobiya $100 Milyan si ay u caawiyaan dadka ku nool goobaha ay abaartu saamaysay oo u baahan in laga caawiyo raashiin, biyo iyo adeeg caafimaad.

Soomaaliya xaaladaha daran ee abaarta waxaa ka mid ah daacuun, jadeeco dillaacday iyo dhimashada xoolaha iyo tirada sii kordhaysa ee dadka ka qaxay guryahooda iyo wadanka deriska ah ee Itoobiyaha oo qarka u saran macluul iyo malaayiin nolashooda halis soo wajahday.

Nus shacabka Soomaaliya ma heli karaan raashiin waxayna wajahayaan suuragalnimada in ay dhacdo abaartii saddexaad muddo 25 sano ah.  £60 Milyan oo gargaarka UK waxay wax u tari doontaa:

•       350,000 qof oo cunto deg-deg ah

•       Helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowr in ka badan 1 milyan oo qof

•       Gabbaad oo ay helaan 100,000 oo qof

•       Tallaalka 2 million oo xoolo ah

•       iyo ilaalinta 20,000 oo haween oo u nugul halista colaadda iyo xadgudubya ka dhan ah.

 Tirada dadka u baahan cunto ee ku nool Itoobiya ayaa aad u kordhay. 30 milyan oo gargaar ay bixisay UK waxaa ka faa’ideysta:
•       Taageero cunto deg deg ah oo la siiyay 1.5 milyan oo qof

•       Taageero nafaqo oo la siiyay in ka badan 154,000 oo caruur gaajoonaya iyo haweenka uurka leh iyo kua nuujinaya.
•       Biyo nadiif ah oo ay heleen 100,000 oo qof.

•       Taageerada xoolaha oo loogu deeqay 500,000 oo qof.

•       10 kooxda ilaalada oo ah kuwa wareega si ay u ilaaliyaan caruurta, taageeraanna dhibanayaasha tacadiyada jinsiga iyo dadka gudaha ku barakacay iyo bulshooyinka marti galiyay.

Waxan la shaqaynaynaa dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo bahwadaagta sida UNICEF, World Food Program(WFP), FAO iyo hey’adaha aan dowliga ahayn si loo hubiyo in gargaarka uu gaaro kuwa aadka ugu baahan.

Markii ay tagtay Soomaaliya, Marwo Patel waxay aragtay kartoon badan oo ay ka buuxaan deeqaha UK oo loo diyaarinayay in lagu daabulo diyaarad fadhiday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho si loo gaarsiiyo dadka ku nool daafaha Soomaaliya.

Ka dib Shirkii Soomaaliya ee London uu qabsoomay horraantii sannadkan, Marwo Patel ayaa xaqiijisay baahida loo qabo in bulshada caalamku ay sii wadaan taageerada Soomaaliya, oo an ku ekayn keliya gargaar degdeg ah, laakiin sidoo kale xoojinta ammaanka si Soomaaliya ay ugu sii socoto wadada ay saaran tahay ee nabadda iyo xasiloonida.

Tani waa abaartii labaad ee Itoobiya soo marto muda laba sanadood. Itoobiya waa wadanka labaad oo marti galiyay qaxootiga Afrika taas oo ciriiri galisay dhaqaalaha Itoobiya oo ay joogaan 880,000 qaxooti oo ka soo cararay dagaalada iyo rabshadaha ka socda wadamada deriska. UK ayaa waxay la shaqaynaysaa bahwadaagta caalamka si loo hagaajiyo kaabayaasha, adeegyada deegaanka iyo abuurista fursado shaqo si Itoobiya ay ula qabsato kororka qaxootiga iyo ka hortagga socdaalka dibadda. 
Priti Patel ayaa booqatay xarunta cunto-qaybinta Itoobiya si ay u aragto sida gargaarka UK u garab qabto dadka khatarta ugu jira gaajada iyo in ay la kulanto shaqaalaha gargaarka ee UK ee  jooga safka hore. Waxay sidoo kale booqatay xarun caafimaad, oo ka mid ah kuwa badan oo ay taageerto UK, si ay u aragto sida carruurta nafaqadarada heyso ay u helaan taageero nafaqo, oo ay ku jiraan looska la tumay oo ay ka helaan nafaqooyin muhiim ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia














Click here
6/19/2017 12:20 PM EST
Isniin, June, 19, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaaradda amniga gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa afur u sameeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee dalka.

6/19/2017 9:03 AM EST
Isniin, June., 19, 2017 (HOL) – Wasaarka wasaaradda Amniga dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow [Ducaale] ayaa sheegay in ciidamada xisilinta caasimada gacanta ku dhigeen madaxii amniyeedka Al-shabaab ee gobolka Banaadir, kaddib howlgal ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

6/19/2017 7:38 AM EST
Isniin, June., 19, 2017 (HOL) - Dowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday bixinta £60 million oo wax looga qabanayo xaalada bani’aadanimo ee jirta dalka Soomaaliya.

6/19/2017 6:31 AM EST
Isniin, June, 19, 2017 (HOL) –Ciidanka la dagaalanka argagixisada dalka Kenya ee the Anti-Terrorism Unit (ATPU), ayaa howlgallo tan iyo shalay ay ka sameeynayeen magaallooyin kamid ah dalka Kenya waxaa ay kusoo qab-qabteen dad badan oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada.

6/19/2017 4:22 AM EST
Isniin, June., 19, 2017 (HOL) Jaaliyada Soomaalieed ee gobolka Minneasota ayaa baaq nabadeed u jeedisay dhinacyada ku dagaalamay Hiiraan iyo Gal-guduud kaddib kulan afur ah oo iskugu yimaadeed magaaladda Minneapolis.

6/19/2017 3:38 AM EST
Isniin, June., 19, 2017 (HOL) – Subaxnimadii hore ee saakay maxkamada ciidamada qalabka sidda ayaa xukun dil ah ku riday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay in uu dilay wasiirkii howlaha Guud iyo guriyeynta Cabaas Siraaji.

6/19/2017 3:25 AM EST
Isniin, June, 19, 2017 (HOL) –Wasiirka difaaca dowladda Qatar ayaa shaaciyay in ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda dowladda Turkiga ay soo gaareen magaalladda Doha ee caasimada dalka Qatar, si ay uga qeyb-qaataan dhoola tus military oo wada jir ah.

6/19/2017 2:44 AM EST
Isniin, June, 19, 2017 (HOL) –Booliska Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in xalay la helay meydka gabar Muslimad aheyd oo la afduubtay kadibna la dilay.

6/19/2017 2:43 AM EST
Isniin, June, 19, 2017 (HOL) - Kulankaan oo ay iskugu yimaadeen Muslimiin tiro badan oo ka kala socday qoymiyado kala duwan iyo waliba dadka aanan Muslimka aheyn ee degan gobolkaan, ayaa xalay ka dhacay magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia.

6/19/2017 2:00 AM EST
Isniin, June, 19, 2017 (HOL) –Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari la jiirsiiyay ama la dulmariyay dad ku sugnaa hareeraha waddo aad ugu dhow masjid ku yaalla waqooyiga magaalladda London.