4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 19, 2017
Booliiska oo xabsiga dhigay nin gaari jiirsiiyay dad ku sugnaa nawaaxiga masjid ku yaalla London

 
Isniin, June, 19, 2017 (HOL) –Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari la jiirsiiyay ama la dulmariyay dad ku sugnaa hareeraha waddo aad ugu dhow masjid ku yaalla waqooyiga magaalladda London.

Police-ka magaalladda ayaa sheegay in ay la tacaaleen dadkii ku dhaawacmay shilka, waxaana ay diideen in weerarka uu la xiriiro mid argagixiso.

Sidoo kale ciidamada nabadgelyada ayaa xabsiga dhigay nin 48 jir ah oo lala xiriiriyay shilka ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.

Shilkan wuxuu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobtaas isku gadaamay.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasab ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka.

Shilka markii uu dhacay kadib ciidamada ayaa xiray waddooyin badan oo ka agdhaw masjidka, waxaana ay sameyeen howgallo.

4-tii bishan June Booliska magaalladda London ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in todoba qof ay ku dhinteen 48 kalena ay ku dhaawacmeen wax ay ku tilmaameen fal argagixiso oo ka dhacay magaalladdaasi.

Saddex qof oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen dadkii weerarka fuliyay ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska.

Weerarka ayaa bilowday ka dib markii gaari la jiirsiiyay dad lugaynayay oo marayay buundada caanka ah ee London Bridge.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia