3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Kismaayo oo lagu qabtay Kulan ay shacabka Su'aalo ku weeydiinayeen Wasiirro ka tirsan Jubbaland


Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Kulankan oo ay soo agaasintay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland oo garab ka heleeysa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP, ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo ayadoo ay ka qeybgaleen masuuliyiinta ururrada bulshada rayidka ah iyo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa waxaa maanta su'aalo lagu weeydiiyay wasiirada wasaaradaha Caafimaadka, Gaadiidka, Biyaha, howlaha guud iyo guryeynta iyo wasaaradda beeraha.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan oo khudbad ka jeediyay furitaankii kulanka, ayaa sheegay in ujeedku yahay in shacabku soo bandhigaan waxyaalaha ay ka gaabiyeen wasaaradaha, sidaa si lamid ahna ay wasaaruhu soo bandhigaan waxqabadkooda, arintaa oo uu sheegay in ay wax ka tari doonto dowlad wanaagga.

Shacabka ayaa wasiirada weeydiinayay su'aalo ku saabsan waxyaalaha ay ka gaabiyeen wasaaradaha iyo baahiyaha jira ee u baahan in wax laga qabto.

Wasiirada ayaa mid mid uga jawaabayay su'aalihii la weeydiinayay, ayagoo sameeynayay ballanqaadyo ku saabsan in ay wax ka qaban doonaan waxyaalaha lagu dhaliilay in ay ka gaabiyeen.

Sida ay masuuliyiintu sheegeen, kulamadan u dhexeeya shacabka iyo madaxda wasaaradaha ayaa sii socon doona, ayadoo la filayo in maalinta barito sidan oo kale su'aalo loo weeydiiyo qaar kamid ah wasaaradaha harsan ee Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.












Click here
12/17/2017 5:06 PM EST
Axad, December, 17, 2017 (HOL) - Warar xogogaal oo soo gaaray HOL ayaa sheegaya in ciidan ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliyeed ay weeraree guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

12/17/2017 11:33 AM EST
Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Kulaan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta dallada ururrada aan dowliga ahayn ee Jubbaland (JUNSAA) ayaa waxa ay uga soo horjeesteen shirka looga hadlayo hannaanka dib u eegista dastuurka ee ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

12/17/2017 10:12 AM EST
Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda ayaa la kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka u qaabilsan QM Filippo Grandi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

12/17/2017 8:28 AM EST
Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Mid ka mid ah labo xildhibaan oo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir uu ku eedeeyay danbi Qaran Dumis ah oo la hadlay VOA ayaa beeniyay dhamaanba eedeymaha loo soo jeediyay.

12/17/2017 6:39 AM EST
Axad,December, 17, 2017 (HOL)- Xarunta xuquuqal Iinsaanka ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqday inay xoriyadooda u soo celiso laba suxufi oo ku kala xidhan magaaladda Hargeysa iyo Gabiley.

12/17/2017 6:03 AM EST
Axad, December, 17, 2017 (HOL)– Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id goor dhaw ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku soo oogay danbi Qaran Dumis ah Labo Xildhibaano oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

12/17/2017 2:12 AM EST
Axad,December, 17, 2017 (HOL)- Hal qof ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad ku dhexmaray magaaladda Boorama ciidamada booliska iyo dad cadhaysan oo taageersan Fanaanka Caanka ah ee Nimcaan HIlaac oo ciidanku doonayeen inay xidhaan.

12/17/2017 1:56 AM EST
Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadkii habeen hore Dowlad deegaanka Oromadda ay ku laayeen Tuullada Gadule ee hoostagta deegaaanka Darullow ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

12/17/2017 1:26 AM EST
Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Xubno kala duwan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaan Koonfur kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose sida ay sheegeen saraakiil ka gaabsaday in magacooda la soo xigto.

12/17/2017 1:13 AM EST
Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Wariye Maxamed Aweys Muudey oo ku magacdheer Boqorka Bartamaha ayaa Afar sano kaddib laga soo daayey Xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, kaddib markii ay maxkamad ku xukuntay 27 sano oo xabsi ah.

12/17/2017 12:59 AM EST
Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Wasiirka wasaaradda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Canada Axmed Xusseen ayaa sheegay in dowladda Canada ku deeqday lacag dhan $10.4 oo wax looga qabanyo dhibaatada Abaarta soo noqnoqatay ee Soomaaliya.

12/17/2017 12:36 AM EST
Axad, December, 17, 2017 (HOL)- Ra’iisul wasaare Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal dheer ku bixisay sidii loo ogaan lahaa tiradda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.