4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo danbi ku soo oogay labo xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka

 

Axad, December, 17, 2017 (HOL) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id goor dhaw ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku soo oogay danbi Qaran Dumis ah Labo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Cali Daahir ayaa ugu baaqay hay’addaha Amniga, sida Booliska iyo hoggaanka Baarista dambiyaya in ay howshooda fushadaan si tallaabo looga qaaday sida uu hadalka u dhigay labada xildhibaan ee kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye.

‘’Waxaan uu gudbinay guddoonka baarlamaanka Golaha shacabka iyo Baarlamaanka intaba Qoraal cadeynaya Xildhibaannada galay fal dambiyeedka sida abaabul sharci darro ah, Qaran dumis iyo in dalal shisheeye ay arintaa dhaqaale uga soo qaateen, islamarkaana cadeymahoodii la hayo’’ ayuu yiri xeer ilaaaliyaha Qaranka.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa dalbaday in Xildhibaannada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur shuuriye laga qaado Xasaanadda si loo horgeeyo sharciga.

Waa markii ugu horeysay oo xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu carabka ku dhufto magacyada xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku eedeynayo in ay galleen fal danbiyeed Qaran Dumis ah.


Dhinaca kale xeer ilaaliyaha ayaa fariin digniin ah u diray Warbaahinta oo sida uu sheegay qaarkood caadeysteen sida uu hadalka u dhigay faafinta Warar xeerka saxaafadda baalmarsan, isaga oo intaa ku daray in wixii hadda ka danbeeya daba-gal lagu sameyn doono talaabo sharciga waafaqsanna laga qaadi doono hay'addii Warbaahineeed ee ku xadgudubta sharciga iyo qawaanniinta dalka.

''Waxaa waayadan aad u soo badatay in Warbaahinta qaarkood ku kacaan falal xad gudub ku ah qawaanniinta dalka ama aqoon darro ha u geyso ama ku talagal ha noqoto looguma dulqaadan doono, hay'addii Warbaahineed ee arintaa lagu helana talaabo laga qaadi doono.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay labada xildhibaan ee uu xeer ilaaliyuhu sheegay ee kala ah Xildhibaan Xassan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]