4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Ciidamada Booliska ee gobolka Awdal iyo dad Taageersan fanaan Nimcaan Hilaac oo iska horimaad ku dhexmaray Boorama

 

Axad,December, 17, 2017 (HOL)- Hal qof ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad ku dhexmaray magaaladda Boorama ciidamada booliska iyo dad cadhaysan oo taageersan Fanaanka Caanka ah ee Nimcaan HIlaac oo ciidanku doonayeen inay xidhaan.

Ciidamada booliska ayaa rasaas ay ku kala dareerinayeen dadka ku dhaawacantay qof haweenay ah, taas oo cisbitaalka Boorama la dhigay, waxaana taasi keentay inay dadku mudaharaad ay taayiro ku gubayaan oo ay wadooyinkii kala xidhaan.

Ciidamada booliska ayaa guriga Nimcaan Hillaac tagay si ay usoo xidhaan, haseyeeshee markii ay waayeen waxay xabsiga u taxeen aabihii iyo gabadh ay walaalo ahaayeen sida ay warbaahinta u xaqiijisay hooyaddii dhashay Nimcaan hilaac.

“ciidamada booliska ayaa guriga noogu yimid markii ay fanaankii waayeen ayey dadkii meesha joogay budad la dhaceen, waxaana hadda xidhan Nimcaan Hilaac Aabihii, walaashii iyo wiil uu abti u yahay, saddexda qof ayaa hadda naga xidhan, isagiina ma joogo”sidaas waxa tidhi fanaanka hooyadii oo warbaahinta ka hadashay.

 

Fanaan Nimco Hilaac ayaa muddo laba sanno ah ka maqnaa Somaliland, waxaana Boorama ka soo galay dhinaca lugta isagoo soo maray magaaladda Lawyo caddo oo ah xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland, isagoo baryahan dambe joogay magaaladda Jabuuti ka hor inta aanu ka iman magaaladda Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in aanu fanaanku markii uu soo galay aanu cafis waydiisan, isla markaana la arkay uun isagoo Boorama jooga, ka dibna ciidanku isku dayeen inay soo qabteen,waxaana la sheegayaa inuu illaa hadda dhuumasho ku dhex joogo magaaladda Boorama.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.