4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre’’ Waxaa jira ciidamo waa hore dhintay oo ku jira liiska ciidamada shaqeeya

 

Axad, December, 17, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaare Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal dheer ku bixisay sidii loo ogaan lahaa tiradda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in baaritaanno badan oo ay sameeyeen in ay soo ogaadeen in ay jiraan ciidamo badan oo ku jira liiska oo aan shaqeyn iyo kuwa dhintay oo u diiwaangshay dowladda islamarkaana lacago lagu qaato

‘’Waxaa daraasad aan sameyn ku ogaanay in ay jiraan ciidamo diiwangashay oo aan soo shaqo tagin, kuwa naafo ah iyo waliba ciidamo waa hore dhintay oo wali u diiwaangashan ciidamo shaqeeya oo kale’’ ayuu yiri Kheyre..

 Kheyre ayaa sidoo kale tilmaamay in ay bilaabeen in ciidamada loo diwaan geliyo qaab casri ah oo wixii hadda ka danbeeya lagu ogaan doono Tiradooda, Agabka ay heystaan iyo inta uu la eg yahay baahiyaha ay qabaan.

Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay waday dadaallo lagu ogaanaayo tiradda iyo tayadda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa qeyb ka ahaa shir jaraa’id oo uu kaga jawaabayay go’aankii Mareykanku uu ku joojiyay qeyb ka mid ah dhaqaalihii uu ku bixin jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]