4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Kheyre “ Waan isku ognahay Mareykanka joojinta caawinaadii la siin jiray ciidamada xoogga dalka

 

Sabti, December,  16, 2017 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay isku ogaayeen tallaabadii dowladda Mareykanka ay ku joojisay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay ciidamada militariga Soomaaliya.

‘’Waxaan rabaa in aan idin cadeeyo in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka aan ku heshiinay in hakad la galiyo mudo Todobaadyo ah dhaqaalihii la sii jiray cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida, inta laga sameynayo baaritaan la xiriira halkii ay ku baxeen dhaqaalihii la siin jiray ciidamada sanadihii naga horeeyay’’ ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Waxaa uu sheegay in tan iyo markii xukuumadda uu ra’iisal wasaaraha ka yahay la wareegtay tallada bilaabeen nidaam daah furnaan ah oo sida uu hadalka u dhigay lagula shaqeynayo beesha caalamka iyo guud ahaanba dalalka deeqbixiyaasha, isaga oo intaa ku daray in labada dowladood ku heshiiyeen in wixii hadda ka danbeeya la bilaabo baal cusub oo wada shaqeyn ah taasoo keentay in wax xooggaa hakad la galiyo dhaqaalihii la siin jiray qeyb ka mid ah ciidamada xoogga dalka.

‘’Waxaan rabaa in aan idin sheego in la joojin cawinaada laakiin aan ku heshiinay in waqti kooban hakad lagaliyo dhaqaalihii la siin jiray cutubyo ka mid ah ciidamada xoogga dalka, waqtigaa koobanna dowladda ayaa dabooli doonta baahiyaha ay qabaan ciidamada’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladda Mareykanka garwaaqsan tahay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku guuleysatay nidaamka daah furnaanta iyo isla xisaabtanka.

‘’Waad ogtihiinoo Wasiirkii Gaashaandhiga ayaa sheegay oo yiri dowladda Mareykanka waxaa ay kalsooni buuxda ku qabtaa dowladda Soomaaliya’’ ayuu hadalkiisa raaciyay ra’iisal wasaare Kheyre.

Waxaa uu sheegay in wadashaqeyn buuxda ka dhaxeyso labada dowladdood Soomaaliya iyo Mareykanka taasoo uu ka marakacayo sida uu hadalka u dhigay heshiiskii ku kacayay $ 300 ee milyan ee dollar ee dhawaan aan kala siixanay ayuu sheegay ra'iisal wasaare Kheyre.

Warbixin ay daabacday Wakaalada Wararka Reuters ayaa lagu sheegay in Mareykanku joojiyay dhaqaalihii ciidamada militarigu u isticmaali jireen saadka sida Shidaalka iyo Cunada kaddib markii la ogaaday in si qaldan loo maamulay dhaqaalahaa.

Balse Kheyre ayaa beeniyay in dowladda Mareykanka ay sababo la xiriira musuq- maasuq u joojisay kaalmada ay ciidamada siin jirtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]