Nin Ganacsade ah oo caawa lagu dilay Magaalada Laascaanood
Jimco, December, 15,
2017 ( HOL) – Dabley hubaysan ayaa toogasho ku
diley Nin ka mid ahaa Ganacsatada Magaalada Laascaanood fiidnimadii caawa
isagoo ku sugnaa Bakhaar uu lahaa hortiisa.
Dableydan oo aan weli la aqoonsan
ayaa Rasaas ku furay ninkan oo lagu magcaabi jirey C/naasir Cumar Shaacuur,
xili uu u kicitimayey masaajidka salaadii cishe.
Goob joogayaal
ayaa HOL u sheegay in ay maqleen Rasaas aan ka yarayn tobaneeyo. kadibna ay
arkeen meydka ganacsadaha.
"Rasaastu waxa ay iila ekayd
mida qoriga AK47, meeshana xili dadku aad u soconayeen ayay ahayd oo way adkayd
in aan aragno cida wax dishey. dadka meesha marayeyna waxaa ay markiiba ku
xoomeen ninka" sidaa waxaa tidhi Faadumo Cali oo taagnayd meel aan
sidaas uga sii durugsanayn.
Ciidamada Booliska oo goor ku dhow
xiligii falku dhacay soo gaadhey goobta waxaa ay sheegeen in ay baadhitaan
hayaan oo ay ku rajo weyn yihiin gacan ku dhiiglaha in ay soo qabtaan.
Magaalada Laascaanood oo
sanadihii u danbeeyey ka nabadgashay dilalka noocan ah oo ku badnaan jirey ayaa
si aad ah looga dareemayaa suuqyada iyo goobaha caafimaadka oo ay
buuxdhaafiyeen dad badan oo xaalada in ay wax ka ogaadaan u baahan, waxaase la
eegayaa jawaab celinta ciidanka Booliska.
Seynab A. Warsame
Laascaanood, Gobolka Sool