4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2017
Gadiid siday Xaaska Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland oo Burco lagu xiray

 

Jimco, December, 15, 2017 (HOL)- Laba Gaadhi oo uu lahaa wasiirkii Caafimaadka Saleebaan Xaglo Toosiye oo siday xaaskiisa iyo askar ilaalo u ahayd oo u socday magaaladda Laascaanood ayaa shalay khamiistii  lagu xidhay magaaladda Burco

Wararku waxay sheegayaan in laba gaadhi oo ah gaadiidka dawladda oo ay saarnaayeen Xubno Qoyska Wasiir Xaglo-toosiye Ka Mid ahi oo Hargeysa ka baxay kuna sii jeeday Magaaladda Laascaanood inay Ciiddanka Bileyska ee Somaliland ay Burco ku qabteen,ka dibna labaddii gaadhi iyo askartii la socdayba lagu xidhay saldhiga magaaladda Burco.

Siyaasi Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo warbaahinta la hadlay ayaa si cadho leh uga hadlay xubnaha Qoyskiisa ka midka ee ciidamada Bileysku Burco ku qabteen, waxaanu sheegay in aanu garanayn sababta labadda gaadhi iyo dadkii saarnaa loo xidhay, waxaanu ku dooday inuu gaadhigaasi u diray odayaal uu ka soo qaadayey magaaladdaLaascaanood.

“Waxay ahaayeen laba gaadhi oo reerkaygu saarnaa si ay magaaladda laascaanood u geeyaan,isla markaana odayaal halkaasi ka soo qaadaan, waxa igu maqaalo ah in gaadiidkii la xidhay, reerkaygiina meel la geeyey kama war qabo”ayuu yidhi wasiirkii hore ee Caafimaadka Xaglo toosiye.

Saleeebaan Xaglo Toosiye waxa uu sheegay in uu la hadlay taliyaha ciidanka Booliska C/laahi Fadal balse aanu jawaab siinin, isagoo ku dooday in aanu garanayn sababta loo xidhay gaadiidkaasi iyo askartii la socdayba, waxaanu sheegay in madaxweynaha cusub isku fiicnaayeen laakiin aanu garanayn waxa loo xidhay.

Wasiir Xaglo Toosiye ayaa aad u daynayey inuu ka mid noqdo xukuumadda cusub ee khamiistii shalay la soo dhisay, haseyeeshee markii uu iska dhex waayey ay sababtay inuu xaaskiisa u raro magaaladda Laascaanood.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.