4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2017
Tababar ku saabsan Nabadda oo loo furay xubno ka tirsan ururrada haweenka Jubbaland


Jimco, December, 15, 2017 (HOL)-Tababarkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland iyo machadka nabadda Soomaaliya, ayaa loo furay ilaa 50 haween ah oo ka socday ururrada haweenka Jubbaland.

Tababarkan ayaa inta uu socdo haweenka la siin doono casharro ku saabsan nabadda iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen wayxaalaha dhaliya khilaafaadka bulshada dhexdeeda ah.

Marwo Qamar Deeq Qaliif, wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland ayaa sheegtay in tababarkan ay iska kaashanayeen machadka nabadda iyo wasaaradda uu yahay mid la doonayo in lagu dardargeliyo dadaallada nabadeed ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha ururka haweenka degmada Kismaayo Marwo Sureer oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in tababarkan ahmiyad gaar ah u leeyahay haweenka, ayadoo xustay in haweenku yihiin lafdhabarta bulshada, islamarkaana ay muhiim tahay in ay ka qeybqaataan sidii uu dalku uga bixi lahaa dhibaatooyinkii ragaadiyay.

Agaasimaha machadka nabadda Soomaaliya Max’ed Cabdul Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in tababarku socon doono mudo laba maalmood ah, islamarkaana haweenka ka qeybgalaya la siin doono casharro ku saabsan doorka ay ka qaadan karaan nabadgelyada iyo weliba sida looga hortagi karo xaaladaha dhalin kara nabadgelyo la’aanta.

Dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya dhibaatooyin laga dhaxlay dagaalladii sokeeye, ayaa waxaa haatan ka soconaya dadaallo ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka, kuwaa oo la doonayo in looga gudbo dhibaatooyinkii iyo colaadihii soo maray dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.