4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2017
Wasaarada Difaaca Soomaaliya oo ka dalbatay Mareykanka kordhinta weerarada ka dhanka ah Al-shabaab

 

Jimco, December, 15, 2017 (HOL) -Wasiirada Difaaca dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Mareykanka in la kordhiyo taageerada uu u fidiyo Soomaaliya iyo weerarada xagga cirka ee looga horjeedo kooxda Al-shabaab.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Difaaca Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in taageerada Mareykanka ay qeyb libaax ka qaadan karto dadaalka lagu burburinayo Al-shabaab, islamarkaana howlgalada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha Droneska ay yihiin kuwo muhiim u ah habka wax ku oolka ah ee taageeradaasi.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in taageerada Mareykanka uu saameyn doono ama jebin doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in weerarada cirka ee ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay qeyb ka yihiin nooc gaar ah oo waxtar leh.

“Haddii aanan heysan taageerada Mareykanka, cagahayaga kuma istaagi karno, Qeybta Amniga Soomaaliya wali ma habeysna, waxaan u baahanahay weeraro badan oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, sababtoo ah diyaaradaha ayaa beegsan kara madaxa Maska”. Ayuu yiri Maxamed Cali Xagaa.

Hadalada Wasiiru dowlaha ayaa imaanaya xilli dowladda Mareykanka ay sheegeen in ay hakiyeen taageerada dhinaca raashiinka, shidaalka iyo lacagihii gunada ee ay bixin jireen sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]