3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Amiirka Qatar

 

Jimco, December, 15, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Kulanka ayaa ka dhinac qabsoomay, intii uu socday shirkii aan caadiga aheyd ee ay isugu yimaadeen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Waxaa kulanka dib loogu eegay xiriirka labada dal iyo qaabka loo xoojin karo, loona hormarin karo.

Sidoo kale waxaa intaas dheer in kulanka looga hadlay mowduucyo dhowr ah iyo danaha ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageerada Amiirka Qatar u fidiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, si loo abuuro jawi nabadgelyo iyo xasilooni dowladeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay dadaaladaay Qatar waday iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fulineyso Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wafuuda labada dhinac ka socday, sida Amiiro iyo xubno Wasiiro ah.

Dowladda Qatar ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka fulin doonto mashaariic ku baxeysa lacag gaareysa 200 milyan, waxaa mashaariicda qeyb ka ah dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo gobolada deriska la ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/15/2017 2:30 PM EST
Jimco, December, 15, 2017 ( HOL) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay xoojineyso isla xisaabtanka ciidamada xoogga dalka, kaddib markii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday in ay joojisay saadkii ay siin jirtay ciidamada.

12/15/2017 2:06 PM EST
Jimco, December,15, 2017 ( HOL)–Dabley hubaysan ayaa toogasho ku diley Nin ka mid ahaa Ganacsatada Magaalada Laascaanood fiidnimadii caawa isagoo ku sugnaa Bakhaar uu lahaa hortiisa.

12/15/2017 10:34 AM EST
Jimco, December, 15, 2017 ( HOL)–Kooxaha Kubadda Cagta Koofur-Galbeed iyo Puntland ayaa Cayaar siweyn loo wada sugayay galabta ku kala baxay 1-1, taasoo ka dhigan in Hirshebeelle isaga hartay Tartanka madaama rajadoodu ay ku xirneyd kulanka maanta.

12/15/2017 10:24 AM EST
Jimco,December, 15, 2017 (HOL)- Laba Gaadhi oo uu lahaa wasiirkii Caafimaadka Saleebaan Xaglo Toosiye oo siday xaaskiisa iyo askar ilaalo u ahayd oo u socday magaaladda Laascaanood ayaa shalay khamiistii lagu xidhay magaaladda Burco

12/15/2017 9:59 AM EST
Jimco, December, 15, 2017 (HOL)-Tababarkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland iyo machadka nabadda Soomaaliya, ayaa loo furay ilaa 50 haween ah oo ka socday ururrada haweenka Jubbaland.

12/15/2017 7:07 AM EST
Jimco, December, 15, 2017 (HOL)-Wasiirada Difaaca dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Mareykanka in la kordhiyo taageerada uu u fidiyo Soomaaliya iyo weerarada xagga cirka ee looga horjeedo kooxda Al-shabaab.

12/15/2017 1:36 AM EST
Jimco,December,15, 2017 (HOL) -- Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobe Nikki Haley,ayaa soo bandhigtay wax ay sheegtay in ay yihiin gantaalo ay dowladda Iiraan siisay mucaaradka Yemen.

12/15/2017 1:18 AM EST
Jimco, December, 15, 2017 (HOL)- Warbixin lagu daabacay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in la musuq-maasuqay Saadka looga tala galay ciidamada xoogga dalka Sooomaaliya,taasoo Mareykanka uu ku tilmaamay mid aan la qaadan karin.

12/15/2017 1:08 AM EST
Jimco, December, 15, 2017 (HOL) -- Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in inti lagu guda jiray doorashadi madaxtinimo ee Kenya ka dhacday sanadkan, ay ciidanka boolisku kufsadeen tiro Haween ah islamarkaana jirdil u geysteen dad rayid ah.

12/15/2017 1:00 AM EST
Jimco, December, 15, 2017 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru-dowlaha Maaliyadda dowlad gobolleedka.