Saameyn intee la eg ayaa ka dhalan karta Saadka laga joojiyay ciidamada militariga Soomaaliya
Jimco, December, 15, 2017 (HOL)- Warbixin lagu daabacay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in la musuq-maasuqay Saadka looga tala galay ciidamada xoogga dalka Sooomaaliya,taasoo Mareykanka uu ku tilmaamay mid aan la qaadan karin.
Genaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya
ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatada ka dhalan karta go’aanka Mareykanka uu
ku sheegay in uu ku joojinayo Saadka uu siin jiray ciidamada xooga dalka
Somaliyeed.
“Haddii ay Qorshahan ku dhaqaaqaan Mareykanka waxaa ay saameyn adag ku
yeelan doontaa howlgalka ay wadaan ciidamada xoogga dalka ee ku aadan dagaalamayaasha
Al-Shabaab”.
Genaraal CabdiQaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxaa uu soo hadal qaaday
Saadka uu sheegtay Mareykanka in uu jarayo, waxaana uu sheegay in Saadka markii
horeba uusan aheyn mid la wada siin jiray ciidamada dowladda, laakiin uu ku
koobnaa oo kaliya militariga.
Talaabada uu Mareykanku kaga joojiyay saadkii uu siin
jiray militariga Soomaaliya ayaa la leeyahay waxaa ay dhabar jab weyn ku noqon
kartaa nabad-galyada gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada AMISOM isku
diyaarinayaan in ay ka baxaan Soomaaliya, taasoo la leeyahay waxaa ay awood
siin u tahay dagaalamayaasha Al-shabaab oo marka danbe qatar iyo halis dhinaca
Amniga ah ku keeni kara dowladdaha dariska ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]