4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2017
Booliiska Kenya oo lagu eedeeyay Kufsi iyo Jirdil

 

Jimco, December, 15, 2017 (HOL) -- Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in inti lagu guda jiray doorashadi madaxtinimo ee Kenya ka dhacday sanadkan, ay ciidanka boolisku kufsadeen tiro Haween ah islamarkaana jirdil u geysteen dad rayid ah.

Warbixin cusub oo soo saartay Hay’addan, ayeey ku sheegtay in ay dhaceen Xad-gudubyo baahsan oo dhinaca galmada ah oo loo geystay dumar, waxaa kale oo ay ku eedeeysay ciidamada Booliiska, in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen dad mudaaharaadaayay.

Jirdil, dhac iyo dil ayaa ka mid ahaa Danbiyada ay Human Rights Watch ku eedeysay ciidamada Booliska Kenya.

Taliyaha ciidamada Booliska Kenya Joseph Boinnet, ayaa ku tilmaamay warbixintan been la soo dhoo-dhoobay, isaga oo ugu baaqay hay'adda Human Rights Watch in ay keento caddeymo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]