4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2017
Shariif Xassan oo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed

 

Jimco, December, 15, 2017 (HOL) -- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru-dowlaha Maaliyadda dowlad gobolleedka.

Magacaabistan ayaa looga dhawaaqay shirkii golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ee Khamiistii shalay ayaa looga dhawaaqay magacaabistan.

Maxamed Nuur Madoobe Nuunoow ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, kadib markii Madoobe Nuunoow Wasiirkii hore lagu dilay Weerarkii Hotel Naasa-hablood ee Muqdisho ay ku soo qaadeen Al-shabaab 28-kii bishii October.

Sidoo kale Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa loo magacaabay Maxamed Cumar Zeytuun.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]