Taliska Mareykanka Africom oo dalbaday in baaritaan cusub lagu sameeyo weerarkii Barriire
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Taliska ciidamada ee Africa,ayaa codsaday in baaritaan dheeri ah lagu
sameeyo weerarkii bishii August ka dhacay deegaanka Barriire hadii ay jiraan dad
rayid ah oo lagu dilay.
Weerarka deegaanka Barriire
lagu qaaday ayaa si wada jir ah waxaa u fuliyay ciidamo Mareynkanka oo ku sugan
Soomaaliyo iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya.
Col. Marka Cheadle,oo ah
Afhayeenka ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegay
in Gen. Thomas Waldhauser uu weydiistay adeega Baarista Danbiyada Badda in ay
raadiyaan faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkii ciidamo Soomaali oo
kaashanaya ciidamada fuliya howlgalada gaarka ah ee Mareynkanka ku qaadeen
deegaanka Bariirre ee gobolka Sh/hoose.
Go’aankaan ayaa ku soo
aadaya,xilli labo todobaad ka dib,war ay ciidamada Mareynkanka ee Africa ay soo
saareen ay ku beeniyeen in weerarkii Barriire lagu qaaday lagu dilay dad rayid
ah oo ay ku jiraan Carruur.
Cheadle,ayaa sheegay in Waldhauser uu codsaday
arintaan markii uu arkay in dadka deegaanka Barriire ay ku adkeysanayaan in
weerarkii 25-August lagu dilay dad shacab ah oo waliba u badan Beeraley.
Weerarkii Bariirre ayaa lagu dilay 10-Qof oo u badan
shacab ka dib weerar ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Mareynkanka ee
Soomaaliya ku sugan iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa horaantii sanadkaan
shaaciyay iney kordhinayaan weerarada Malitari ee ka dhan ah Al-Shabaabka
Soomaaliya,waxaana weerar dhowr oo dhanka ah cirka oo Mareynkanka ka fuliyay
gudaha Soomaaliya lagu dilay saraakiil muhiim u ahaa kooxda argagixisada
Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]