3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2017
Xildhibaan sheegay in uu ka laabtay saxiixa Mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo

 Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba ay soo baxayeen warar sheegaya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya saxiixeen mooshin ka dhan madaxda sre ee dowladda, ayaa markii ugu horeysay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka waxaa uu sheegay in uu laabtay mooshin uu horay u saxiixay.

Xildhibaan Cabdullaahi Shaacir oo ka mid ah baarlamananka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka baxay mooshin laga waday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaddib markii uu arkay sida uu hadalka u dhigay daacadnimada iyo qalbi wanaaga madaxweynaha, hormaradda la sameynayo iyo daruufaha ku hareereysan dowladda.

“Waxaan halkan ka cadeynayaa in aan dib uga laabtay Mooshinka aan saxiixay saddex cisho ka hor oo ku deg degay, waxaa uga laabtay markii aan arkay duruufaha uu dalka ku jiro, gaar ahaan, amniga, dhaqaalaha, iyo qalbi wanaaga Madaxweynaha”ayuu yiri Xildhibaan Shaacir.

Xildhibaanka ayaa sheegay in markii hore aysan jirin cid ku qasabtay in uu mooshinka saxiixo, haddana uu dib uga laabtay isaga oo aysan jirin cid kale oo ku cadaadisay go'aanka uu qaatay.

Hadalka xildhibaanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka soo yeeray xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo sheega in uu jiro mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo ay wadaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/14/2017 3:42 PM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Mareykanka ayaa shaacisay in uu joojiyay gaargaar isugu jiray cuno iyo shidaal uu siin jiray militariga Soomaaliya arintan oo lala xiriirinayo musuq maasuq iyo wax is daba-marin.

12/14/2017 10:44 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL)–Ku-simaha Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar ismiidaamin ah oo saakay lagu qaaday Dugsiga tababarka Booliiska ee Gen Kaahiye.

12/14/2017 6:26 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL)–Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay xubnihiisa golaha wasiiradda maalin kaddib markii loo dhaariyay xilka madaxweynaha munaasabad shalay ka dhacday xarunta madaxtooyada.

12/14/2017 5:24 AM EST
Khamiis, December,14, 2017 (HOL) – Taliska ciidamada ee Africa,ayaa codsaday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo weerarkii bishii August ka dhacay deegaanka Barriire hadii ay jiraan dad rayid ah oo lagu dilay.

12/14/2017 2:08 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL)–Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar loo adeegsaday qof Ismiidaamiye ah oo saakay ka dhacay Dugsiga Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

12/14/2017 1:09 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL)–Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha Qarxa oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Xarunta School Polizio ‘’ Gen Kaahiye’’ ee magaalada Muqdisho.

12/14/2017 12:36 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) –Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii cisho ee la dhaafayba ku dagaalamaya qeybo ka mid ah degmada Kaaraan, waxaana la sheegay in dagaalkan ay ku dhinteen ilaa saddex Askari oo ka wada tirsan ciidamada dowladda.

12/14/2017 12:11 AM EST
Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxay Qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Barxadda School Polizio oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed.