4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2017
Al-shabaab oo sheegtay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay dugsiga Gen Kaahiye

 

Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar loo adeegsaday qof Ismiidaamiye ah oo saakay ka dhacay Dugsiga Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka u hadlay  Al-shabaab oo lagu magacaabo  Cabdicasiis Abu –Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu ka danbeeyay qof iyaga ka tirsanaa oo bartilmaameesaday ciidamo Booliis ah.

Abu-muscab ayaa intaa ku daray in ay dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha ka dhashay weerarka ka dhacay Gen Kaahiye.

Madaxa Amin Ambulances Abdikadir Abdirahman ayaa sheegay in ay qaadeen meydadka 13 ruux iyo dhimashada 15 kale oo ka mid ahaa ciidamadii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Al-shabaab ayaa weerarada Ismiidaaminta ah marar badan oo ka geystay magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka, waxaana ugu weynaa qaraxii 14kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe oo la sheegay in ay ku dhinteen 512 ruux, inkastoo Al-shabaab aysan sheegan mas’uuliyada qaraxaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]