4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2017
Qarax goor dhaw ka dhacay xarunta School Polizio ee magaalada Muqdisho

 

Khamiis, December, 14, 2017 (HOL) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxay Qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacayXarunta School Polizio oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed

Warar kala duwan oo ka soo baxaya Qaraxa ayaa sheegaya in qof Ismiidaamiye ah oo ku Qarxay Barxda Dugsiga xili ay halkaa isku diyaarinayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaliyeed.

Saraakiisha hay'addaha Amniga wali wax war ah kama aysan soo saarin Qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay intaba, waxaana dhawaaqa ka dhashay qaraxan laga maqlay inta badan caasimada.

Qaraxan wuxuu ku soo beegmay ciidamada Booliska oo u diyaar garobaya dabaaldagga 20 -ka December oo ku beegan Aas Aaska Ciidanka Boliska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]