3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Diyaarado Duqeyn ka geystay deegaan hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

 

Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegya in diyaarado dagaal xalay duqeyn ka fuliyeen saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Show.

Dad kala duwan oo ku sugan degmada Jalalaqsi oo Hiiraan Online xiriir la sameysay ayaa sheegay ka hor inta aysan maqlin jugta madafiicda diyaaraduhu ku tureen halkaa dhowr jeer oo hore maqleen guuxa diyaaradaha oo dul heehaabaya deegaanka.

Ilaa iyo hadda lama oga illaa iyo hadda khaasaraha ka dhashay duqeynta cusub ee la rumeysan yahay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ka geysteen Gobolka Hiiraan.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan Saraakiil sar sare ay gaareen deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe, iyagoo ka baxsanayay duqeymaha ka dhacayay Koofurta Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/13/2017 2:47 PM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) - Magaalada Istanbul ee Turkiga waxaa ka furmay shir madaxeedka waddamada Islaamka oo ay kaga hadlaan jawaabta ay ka bixinayaan go’aankii dhowaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Jeresalem ugu aqoonsaday caasimaddda Israa’iil.

12/13/2017 9:53 AM EST
Arbaco, December,13,2017 (HOL)–Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

12/13/2017 8:36 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Cusub ee Somaliland ayaa sheegay in shantii Soomaaliyeed ay Soomaaliya oo kaliya ka maqnayd munaasibadda caleemo saarka, waxaanu taas ku sababeeyey in aanay Somaliland u aqoonsanayn qaran madax banaan.

12/13/2017 6:11 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL)–Dhawaan ayeey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab dab ku qabadsiiyeen deegaanka Maroodile ee hoostaga degmada Beledweyne Lix gaadiid kuwa Xamuulka qaado ah iyo badeecadii saarneyd intaba.

12/13/2017 5:43 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL)–Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2018, kaddib markii dood adag ay ka yeesheen Miisaaniyadda oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

12/13/2017 4:42 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL)–Waxaa goor dhaw xarunta madaxtooyada Somaliand ku soo dhamaatay Munaasabad ballaaran oo ay xilalka kula kala wareegayeen madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi.

12/13/2017 4:20 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) –Maxamed Amin Baryare Cali oo ah orodyahan Soomaaliyeed oo da' yar ayaa ku guulaystay tartanka orod-dada dheer ee loo yaqaan "SEAA Inter County Cross Country Championships".kaasi oo 9-kii bishan aynu ku jirno lagu qabtay magaalada London ee Ingriiska.

12/13/2017 4:05 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose aya sheegaya in Al-Shabaab ay deegaanka Kuunya Barrow ay gacanta uga jareen wiil 19-jir ah oo lagu soo eedeeyay inuu xaday lacag iyo agabyo kale.

12/13/2017 1:38 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL)–Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ayaa maanta mar kale dood ka yeelanaya Miisaaniyada Dowladda ee 2018-ka.

12/13/2017 1:21 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Taliska Ciidamada Mareykanka Africa ee (AFRICOM) ayaa war ka soo saaray duqayn xilli dambe oo habeen ka hor ka dhacday deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

12/13/2017 1:11 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), kaasi oo uu ku dhawaaqay 6-dii bishan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogen.

12/13/2017 12:57 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo ka qeybgalaya Shirweynaha 2aad ee Caalamka ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha UNWTO iyo UNESCO oo lagu qabtay magaalada Masqad ee Saldanada Cumaan ayaa yiri Soomaaliya waxey soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo.

12/13/2017 12:48 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) - Xarunta madaxtooyadda Somaliland waxan saakay loogu diyaar garoobayaa caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo sagootinka madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo.