4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 13, 2017
Maxamed Amiin Baryare oo ku Guulaystay tartan orod oo lagu qabtay Magaalada London

Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) –Maxamed Amin Baryare Cali oo ah orodyahan Soomaaliyeed oo da' yar ayaa ku guulaystay tartanka orod-dada dheer ee loo yaqaan "SEAA Inter County Cross Country Championships".kaasi oo 9-kii bishan aynu ku jirno lagu qabtay magaalada London ee Ingriiska.

Tartankan oo ahaa mid ay ka soo qayb-galeen boqolaal taageerayaal ah ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-galay orod-yahan-no kale oo ay isku filyihin Maxamed oo ah kuwa ay da'doodu ka hoosayso 15-sano jirka.

Maxamed ayaa horey ugu guulaystay orod-dada 800m iyo 1500m. Waxaa sido kale uu horey ugu soo guulaystay oradka 3000m ,kaasi oo isna ka dhacay magaalada Bedford bishii agoosto ee sanadkan aynu ku jirno. 


Faysal M. Hassan
[email protected]