3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2017
Madasha Talo Wadaag oo maanta laga daah furay magaalada Muqdisho

Talaado, December, 12, 2017 (HOL) – Munaasabadan oo lagu daah furayay Madasha Talo Wadaag oo ay ku bahoobeen Siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo Waxgarad Soomaaliyeed ayaa maanta laga daah furay magaalada Muqdisho.

Munaasabada furitaanka ayaa waxaa ka qeybgalay xubo ka socda labada Aqal ee dowladda, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Ururada bulshada Rayidka.

Ridwaan Xirsi Maxamed oo ah guddoomiyaha Madasha Talo Wadaag oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in madashan loogu talagalay in lagu soo bandhigo Aragtida iyo Fikirka Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in loo baahan yahay in Miis kaliya looga wada hadlo Talada dalka oo aan cid kaliya lagu eedin.

Daawo Munaasabada Daah Furka oo ay ka hadleen Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno:

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/12/2017 2:29 PM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta uu qarax ku dhintay Madaxii Miino Baarista Puntland Col Cisman Abshir Kabayare.

12/12/2017 1:59 PM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL)–Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay shir Magaalada Nairobi ku dhexmaray Hey’adda Lacag Aduunka, Bankiga Aduunka iyo Wasaarada Maaliyadda Somalia.

12/12/2017 12:09 PM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL) - Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawirrada Gaari Caasi ahaa oo khudaar siday, kaas oo xalay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku duqeeyeen agagaarka deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


12/12/2017 10:27 AM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL)–Kooxaha Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Puntland ayaa Galabta ku soo bandhiggay Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium Cayaar u muuqaal ekeyd Final oo kale.

12/12/2017 3:48 AM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL) – Kulanka oo ah mid aad u adag oo siweyn loo wada sugayayo ayaa waxaa ku balansan Xiddiga kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Puntland kulan ka tirsan Tartanka maamul Gobolledyada.

12/12/2017 1:40 AM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL)–Ururka Midowga Yurub ayaa ku gacan seyray dalabka ah in Quddus loo aqoonsado in ay noqonto caasimada Israa’iil kaddib go’aankii dhawaan uu arrintaan ka qaatay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

12/12/2017 1:25 AM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL)-Madaxwaynaha dalka Ruushka Putin ayaa sheegay in go'aankii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa'iil ay tahay mid meesha ka saaraysa wadahadaladii nabadda ee bariga dhexe.

12/12/2017 1:18 AM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL) - Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka keenaan Miisaaniyadda sanadka 2018, oo dhawaan ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana ay ansixiyeen Golaha Wasiirada waxaana miisaaniyadda oo la mariyay akhrinta labaad ayaa la filayaa in Xildhibaanada ay ka yeeshaan dood.

12/12/2017 1:07 AM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL) - Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaalyeed S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil sare ayaa shalay gaaray Magaalada Garoowe.

12/12/2017 1:00 AM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxayaa Duqeyn Diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

12/12/2017 12:51 AM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay eedeymo ku saabsan warbixin cusub oo Qaramada Midoobay soo saartay oo sheegaysa in ciidamadeeda ay mas’uul ka yihiin 36 dhimasho oo rayid ah oo ku nool Soomaaliya muddo 22-bil ah.

12/12/2017 12:44 AM EST
Talaado, December, 12, 2017 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystay Wariye Mohamed Ibraahim Gaaboow oo u shaqeynayay Telefishinka Kalsan kaas oo gaarigiisa miino loogu xiray.