4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2017
Madaxweyne Putin oo ka horyimid go’aankii Trump uu ka qaatay Quddus

 

Talaado, December, 12, 2017 (HOL) - Madaxwaynaha dalka Ruushka Putin ayaa sheegay in go'aankii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa'iil ay tahay mid meesha ka saaraysa wadahadaladii nabadda ee bariga dhexe.

Madaxwaynaha Ruushka ayaa ka hadlayay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.

Mr Putin ayaa kulan la qaatay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,xilli uu soo gabagabeeyay booqashadiisa bariga dhexe.

Mr Erdogan ayaa sidoo kale cambareeyay go'aanka madaxwayne Trump ,waxa uuna sheegay in Mareykanka ay dhiig gacanta kula jiraan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa'iil in ay yihiin argagixiso islamarkana falastiiniyiintii ay askarta Israa'iil dileen ay yihiin Shuhado.

Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa soo xoogaysanayay tan iyo wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanaddii 2015.

BBC