3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo dalka Turkiga kaga qeyb galaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

 

Isniin, December, 11 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb-galaya shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ( OIC ).

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in safarkan uu salka ku hayo arrimaha ka soo kordhay magaalada barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkan.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka qeyb-galayaa shirka Qudus oo 6dii bishaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.”

Agaasimaha waxa uu sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.”

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/11/2017 1:02 PM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)–Wariyahan oo ka tirsanaaa Telefishinka Kalsan ayaa galabnimadii maanta lagu dilay Qarax loogu xiray gaarigiisa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

12/11/2017 9:52 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)-Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir kaddib markii ay 3-0 ku dhufteen Xiddigaha Galmudug.

12/11/2017 7:14 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) -Mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday la xisaabtanka wasiirada wasaaradaha kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, kuwaa oo la weeydiinayay su'aalo la xiriira waajibaadkooda.

12/11/2017 7:13 AM EST
Isniin,December, 11, 2017 (HOL)- Hay’adda madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa (Action for anti corruption (AAC) ) ayaa sheegtay in Somaliland ay ragaadisay musuqmaasuq baahsan, taas oo sababtay in cid kasta gungurayso inay xil ka qabato si uu dhaqaale uga urursado.

12/11/2017 6:35 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in Quddus ay tahay Caasimadda Israel.

12/11/2017 3:46 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gadiid Xamuul ah oo Al-shabaab ay ku gubeen deegaanka Maroodile oo ka tirsan magaalada Beledweyne.

12/11/2017 2:54 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)-Munaasabad ay ku qalin jabinayeen 558 Arday oo ka baxay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIU ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

12/11/2017 2:26 AM EST
Isniin, December,11, 2017 (HOL)-Isbahaysiga Mucaaradka dalka Kenya ee magacooda loo soo gaabsho NASA ayaa dib u dhigay dhaarinta musharaxooda Madaxweyne, Raila Omolo Odinga.

12/11/2017 2:08 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ku aadanaa in xanibaad dadban la saaray Wasiirada Maamulkaasi.

12/11/2017 1:47 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) – Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw ayaa 48 ee la soo dhaafay waxaa lagu dilay ku dhawaad Shan ruux oo u badnaa shacab, xili ciidamada dowladda Soomaaliya wadaan howlgalo Amniga lagu xaqiijinayo.

12/11/2017 1:39 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)-Hay’adda dhalaanka aduunka UNICEF ayaa ugu baaqday shirkadaha dhanka Tiknoolajiyada in ay qaadaan tillaabooyiin dheeraad ah oo da’yarta loga ilaalinayo waxyeelada internetka.

12/11/2017 1:10 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxaa la horgeynayaa Miisaaniyadda dowladda 2018.