4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Wariye lagu dilay Qarax loogu xiray gaari uu watay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

 

Isniin, December, 11, 2017 (HOL) – Wariyahan oo ka tirsanaaa Telefishinka Kalsan ayaa galabnimadii maanta lagu dilay Qarax loogu xiray gaarigiisa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Madaxmed Ibraahim Gaaboow ayaa lagu dilay miino nooca Gaadiidka lagu xiro ah oo uu watay Wariyaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Wariyaha dhintay in gaariga la saarnaayeen Carruur yar yar oo uu dhalay Saaxiibkii laakiin waxba kuma aysan noqon.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa oo aheyd kawaanka malayga degmada Wadajir.

Miinada nuucan ah ee qeybta hoose darawalka gaariga lagu dhejiyo ayaa ka mid noqotay aaladaha bartilmaameedka ee dadka lagu khaarijiyo, waxaana horay loogu dilay Wariyeyaal, mas’uuliyiin iyo dad kale

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]