3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Faah faahin ku saabsan Gaadiid Xamuul ah oo lagu gubay dulleedka magaalada Beledweyne

 

Isniin, December, 11, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gadiid Xamuul ah oo Al-shabaab ay ku gubeen deegaanka Maroodile oo ka tirsan magaalada Beledweyne.

Gadiidka ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen gobollada Baay, Bakool iyo deegaano ka tirsan ismaamul Soomaalida Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay gawaarida u adeegsatay Qoriga Baasuukaha iyo basiin, si ay u gubaan dhamaan Lix Gaari iyo badeecadda saarnayd.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasada ee maamulka degmada Beledweyne Maxamuud Cali Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay gubeen Lix Gaari oo kuwa xamuulka qaada ah oo ku sii jeeday deegaanno hoostaga Ismaamulka Itoobiya iyo gobollada Baay iyo Bakool.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa ku baxay deegaanka ay Al-Shabaab ku gubeen gawaarida siday shixnada ganacsi.

Al-Shabaab oo sanado ka hor go’doomiyay deegaano ka tirsan Gobolada Koofurta iyo bartamaha ayaa dhowr jeer gubay gawaari raashin iyo badeeco kala duwan siday oo ku sii jeeday deegaanada horay loogala wareegay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected] 













Click here
12/11/2017 3:04 PM EST
Isniin, December, 11 2017 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

12/11/2017 1:02 PM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)–Wariyahan oo ka tirsanaaa Telefishinka Kalsan ayaa galabnimadii maanta lagu dilay Qarax loogu xiray gaarigiisa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

12/11/2017 9:52 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)-Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir kaddib markii ay 3-0 ku dhufteen Xiddigaha Galmudug.

12/11/2017 7:14 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) -Mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday la xisaabtanka wasiirada wasaaradaha kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, kuwaa oo la weeydiinayay su'aalo la xiriira waajibaadkooda.

12/11/2017 7:13 AM EST
Isniin,December, 11, 2017 (HOL)- Hay’adda madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa (Action for anti corruption (AAC) ) ayaa sheegtay in Somaliland ay ragaadisay musuqmaasuq baahsan, taas oo sababtay in cid kasta gungurayso inay xil ka qabato si uu dhaqaale uga urursado.

12/11/2017 6:35 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in Quddus ay tahay Caasimadda Israel.

12/11/2017 2:54 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)-Munaasabad ay ku qalin jabinayeen 558 Arday oo ka baxay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIU ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

12/11/2017 2:26 AM EST
Isniin, December,11, 2017 (HOL)-Isbahaysiga Mucaaradka dalka Kenya ee magacooda loo soo gaabsho NASA ayaa dib u dhigay dhaarinta musharaxooda Madaxweyne, Raila Omolo Odinga.

12/11/2017 2:08 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay warar saacadihii ugu dambeeyay oo soo baxay, kuwaasi oo ku aadanaa in xanibaad dadban la saaray Wasiirada Maamulkaasi.

12/11/2017 1:47 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) – Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw ayaa 48 ee la soo dhaafay waxaa lagu dilay ku dhawaad Shan ruux oo u badnaa shacab, xili ciidamada dowladda Soomaaliya wadaan howlgalo Amniga lagu xaqiijinayo.

12/11/2017 1:39 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL)-Hay’adda dhalaanka aduunka UNICEF ayaa ugu baaqday shirkadaha dhanka Tiknoolajiyada in ay qaadaan tillaabooyiin dheeraad ah oo da’yarta loga ilaalinayo waxyeelada internetka.

12/11/2017 1:10 AM EST
Isniin, December, 11, 2017 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxaa la horgeynayaa Miisaaniyadda dowladda 2018.