4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la horgeynayo miisaaniyada dowladda ee 2018ka

 

Isniin, December, 11, 2017 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxaa la horgeynayaa Miisaaniyadda dowladda 2018.

Xildhibaanada ayaa ka dooddi doono Miisaaniyadda dowladda 2018, waxaa ayna ku dari doonaan Talooyinkooda ku aadan Miisaaniyada iyo qaabka loogu qoondeeyay miisaaniyadda.

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in guddiga miisaaniyada iyo maaliyadda iyo Wasaarada Maaliyadda ay si wanaagsan ugu soo shaqeeyeen miisaaniyadda Suura-galna tahay in la meelmariyo.

Miisaaniyadda 2018 ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (Labo Boqol iyo Toddobaadan iyo Afar Milyan, Lix boqol iyo Afartan Kun, Boqol iyo Sagaashan Kow Dollar).

Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd $260 Milyan, Farqiga u dhaxeeya labada Miisaaniyadood ee 2017 iyo tan cusub ee 2018 ayaa ah 14 milyan oo micnaheedu yahay 5.63% ayaa ku korortay Miisaaniyada cusub ee 2018.

Waxaa miisaanad gaar ah sanadka 2018 loo Qoondeeyay markii ugu horeysay dhismaha Akadheemiyada Afka Soomaaliga.

Sidoo kale waxaa Miisaaniyadda ku jira Qoondo gaar ah oo loogu talagalay Dhismaha Warshada Dharka ee ciidamada Qalabka sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]