4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2017
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo kulan deg deg ah ku baaqay

 

Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Somaaliyeed ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle in ay ka soo qeybgallaan kulan muhiim ah ugu danbeyn maalinta Isniinta ah.

Kulanka oo ka furmaya magaalada Beledweyne ayuu sheegay Ugaaska in lagu wargalinayo dhamaanba siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha in muddo saddex cisho ah gudahood ah ku soo gaaraan magaalada Beledweyne.

Ugaaska oo la hadlay Hiiraan Online ma uusan faah faahin ujeedada kulanka, hasse ahaatee baaqa Ugaaska ayaa ku soo beegmay xili xiisad siyaasadeed ee ka dhax oogan tahay maamulka curdanka ah ee  Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]