4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2017
Xaaladda deegaanka Xeraale oo maanta deggan kaddib dagaal shalay ilaa xalay ka dhacay

 

Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Xaaladda deegaanka Xeraale ee degmadda Caabud-waaq, ayaa saaka deggan kaddib dagaal shalay ilaa xalay ka dhacay deegaanka.

Dagaalladii ka dhacay deegaanka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo xooggaga Ahlusunna.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ay guul darreysteen wadahadallo u dhaxeeyay labada dhinac,  kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaanka.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay dagaalladii ka dhacay deegaanka.

Maamulka degmadda Caabudwaaq, ayaa sheegay in ay dhawaan ka warbixin doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa horay uga barakacay xaafadahooda, kuwaas oo ka baqanayay in dagaal uu ku dul qarxo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia