3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2017
Eng Yarisow “Casho sharaf ayaan kala qeyb-galay 27 Dalxiisayaal Chinese ah oo Muqdisho u soo dalxiis tegay”

 

Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay ka qeybgalay casho sharaf loo sameeyey 27 dalxiisayaal Shiine ka yimid oo Muqdisho ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey shaqsiyaadkii suurtageliyey in 27ka Shiinaha ah inay Muqdisho u soo dalxiistagaan oo welbia geeyey goobo fara badan sida Liido, Jaziira, Xamarweyne, Tiyaatarka iyo goobo kale.

“Waxaan u mahadcelinayaa shaqsiyaadkii suurtogeliyey dalxiisayaashan Shiinaha ah ee keenay Muqdisho, tanoo ah tallaabo ku dayasho mudan, noogana baahan inaan caalamka tusno in Soomaaliya ay tahay dal nabad ah oo dalxiisayaasha caalamka ay iman karaan.”, sidaasi waxaa yiri Wasiir Eng. Yarisow.

Wasiir Eng. Yarisow oo la hadlay dalxiisayaashan ayaa yiri “Soomaaliya waxey ahaan jirteen dal ay caalamku u soo dalxiistagaan, waxaana idinka rabnaa inaad noqotaan safiiro noo suurtogeliya in dalxiisayaal kale ku soo dhiiradaan oo yimaadaan dalka, bacdamaa ay Soomaalidu ku wanaagsantahay soo dhoweynta, abuurista ganacsiga iyo iyadoo cimilada iyo goobaha dalxiiskaba ay diyaar u yihiin soo dhoweyntiina.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa dalxiisayaasha u sheegay in Muqdisho ay ka furnaan jireen Makhaayado Shiinees leeyihiin oo caan ku ahaa raashinka Shiinaha, haddana ka codsaday dalxiisayaasha inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia

 













Click here
8/18/2017 9:05 AM EST
Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Somaaliyeed ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle in ay ka soo qeybgallaan kulan muhiim ah ugu danbeyn maalinta Isniinta ah.

8/18/2017 8:21 AM EST
Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya deegaanka lagu magacaabo Maleli oo ka tirsan degmada Lamu dalka Kenya, ayaa sheegaya in Al-shabaab saddex ruux oo deegaanka ah ku gowraceen.

8/18/2017 7:32 AM EST
Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) – Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti Eng. Cabdi Canshuur Xasan iyo Cabdi Youssouf Sougueh, ayaa si wada-jir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay isku afgarteen labada dhinac.

8/18/2017 4:34 AM EST
Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) - Laba Askari oo ka mid ahaa ciidamada booliiska ayaa lagu diley Bariga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, kaddib markii kooxo hubeysan rasaas ku fureen.

8/18/2017 3:40 AM EST
Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Xaaladda deegaanka Xeraale ee degmadda Caabudwaaq, ayaa saaka deggan kaddib dagaal shalay ilaa xalay ka dhacay deegaanka.

8/18/2017 2:16 AM EST
Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Hoobiye ayaa xalay la sheegay in uu kusoo dhacay xaafad kamid ah degmadda Warta-Nabadda ee Magaalladda Muqdisho.

8/18/2017 1:55 AM EST
Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad usoo dhoweynayaa go'aankii Sacuudiga uu xuduuda ugu furay xujeyda ka imaaneysa dalka Qatar.

8/18/2017 1:28 AM EST
Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 13 qof ayaa dhimatay halka 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii nin uu gaari jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa xaafadda Las Ramblas ee caanka ku ah dalxiiska ee magaalladda Barcelona.