4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2017
13 oo ku dhimatay weerar ka dhacay dalka Spain iyo Booliska oo ka hortegay weerrar labaad

Jimco, Augusto, 18, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 13 qof ayaa dhimatay halka 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii nin uu gaari jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa xaafadda Las Ramblas ee caanka ku ah dalxiiska ee magaalladda Barcelona.

Howlgal ballaaran oo uu booliska ka sameeyay waddanka Spain ayaa waxaa lagu soo gebagabeeyay israsaasayn ka dhacday degmada loo tamashlaha tago ee Cambrils, ee koonfurta magaallada Barcelona.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in shan qof oo looga shakisan yahay inay argagixiso yihiin oo xirnaa wax u muuqday suumanka la isku miidaamiyo la dilay.

Dowladda gobolka Catalonia ayaa sheegtay in booliska Cambrils uu rasaas furay kaddib markii ay arkeen dadka weerrarka soo qaaday oo gaari jiirsiinaya dad marayay wadada hareeraheeda, waxaana halkaasi ku dhaawacmay todobo qof.

Dhacdada ayaa lala xiriiriyay weerrar ay dad badan ku dhinteen oo goor sii horraysay ka dhacay magaalada Barcelona kaddib markii uu qof gaari uu watay uu jiirsiiyay dad fara badan oo ku sugnaa wadada Las Ramblas ee magaaladaasi.

Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii waday gaariga dadka jiiray.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia