Ganacsiga Laascaanood oo maalintii saddexaad xiran
Khamiis, Augusto, 17,
2017 (HOL) – Dibaxbad xoog leh oo markii
danbe isku rogay rabashado ayaa maalintii saddexaad ka soconaya magaalada
Laascanood ee goblka Sool , kaddib markii ay dadku ka biyo diideen in la kala
sooco lacagta shilin Soomaliga ah.
Kumanaan isugu jira dhalinyaro iyo
haween ayaa isugu soo baxay fars-magaalaha laga dukaamaysto kuwaas oo ku qasbay
goobo kooban oo saaka ganacsigooda furay.
Dadkan kacsan ayaa warbaahinta u
sheegay in aanay ogolaan doonin in ganacsi la furo illaa inta xal looga helayo
diidmada lacagta Soomaaliga ah oo ah ta keliya ee ka shaqaysa degaankaas.
Ciidamada booliiska oo garabsanaya
kuwa militariga ayaa dhawrjeer isku deyay in ay kala eryaan markii ay qasaare
soo gaarsiiyeen goobo ganacsi, gadiid iyo dad shacab ah, iyaga oo tuuraya
dhagxaan.
Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdi
Khayre Dirir oo saxaafadda qaarkeed kula hadlay bartamaha magaalada ayaa waxa
uu sheegay in ay san jiri karin lacag la diidayo aan ka ahayn lacag duug ah oo
ka muuqaal duwan lacagta kale taas oo uu sheegay in koonfur laga soo waarido.
"14 qof ayaa lacagtan keena
magaalada waana soo dhamaatay baaritaankoodii hadana waxaan diyaar u nahay in aan
sharciga horkeeno, cidna uga looguma turayo dadka ihaanada ku haya
bulshada" ayuu yiri Khare, isagoo intaas ku daray dardaaran iyo digniino
uu u soo jeediyey ganacsatada iyo dadweynaha.
Ciidamamada booliiska ayaa
saldhigyada ku haya dad badan oo loo soo xirxiray rabshadaha ka socda
magaalada, waxaana aan suuragal ahayn in la ogaado tirada dhabta ah ee ku xiran
saldhigyada, waxaase saraakiil ciidamada xaqiijiyeen in ay u badan yihiin
carruur dibadbaxa qeyb ka aheyd.
Debedbaxan oo ahaa kii ugu balaarnaa
ee soo mara mudooyinkan danbe ayaan qasaare badnayn iyadoo aad arkayso
ciidamada booliiska oo dhex-socda dadka intii aysan bilaabmin rabshadaha.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool