Madaxweynaha Puntland oo faah faahin ka bixiyay go’aanka Puntland ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
dowlad gobolleedka Puntland ayaa faah faahin dheeraad ka bixiyay go’aanka
maamulka Puntland uu kula saftay xulufada uu horkacayo Sacuudiga, isaga oo
dhinaca kale sheegay in dowladda federaalka xaq u leedahay in looga danbeeyo
siyaasada arimaha dibada.
Waxaa uu sheegay Cabdiwali Gaas oo la hadlay VOA in dowladda federaalka ugu
baqeen in ay ka laabato mowqifka dhaxdhaxaadnimada ah oo ay ka qaadatay Khilaafka
Khaliijka.
‘’Arintani waa talo aynu siineyno dowladda federaalka oo aan ka codsaneyno
in ay dib u eegto go’aanka dhaxdhaxaadnimada ah oo ay ka qaadatay khilaafka ka taagan
wadamada Khaliijka oo anaga ka Puntland ahaan aan u aragno in uusan sax
aheyn waqtigan la joogo’’ ayuu yiri Cabdiwali Gaas.
Cabdiwali Gaas ayaa sheegay hadal u dhaw in dowladda federaalka aysan qaadan
talooyinkii loo jeediyay ee ahaa in ay dib u eegis ku sameyso go’aanka ay ka
qaadatay arintan, taasoo keentay ayuu yiri Puntland in ay cadeyso mowqifkeeda la
xiriira khilaafka wadamada Carabta.
‘’’ Arintan mudo labo bilood ah ayeey soo soctay, waxaana noo muuqatay in ay sii
cuslaaneyso, taas ayaa keentay in aynu mowqifkeena cadeyno’’ ayuu yiri
madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas.
Dowladda gobolleedka Puntland ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay in uu
xiriirka u jaray dowladda Qatar, islamarkana taageerayaan mowqifka xulufada ay
horkacayaan Sacuudiga iyo Imaraadka ay ka qaateen xukuumada Dooxa.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]