Cabdi Warsame iyo Mas’uuliyiin kale Oo Dhegax-dhigay Dhismaha Cusub ee Garoonka Peavey Park, Video
Khamiis Augusto, 17, 2017 (HOL) – Gudoomiyaha
Degmada 6’aad ee Minneapolis Mudane Cabdi Warsame iyo mas’uuliyiin katirsan
hay’ada dalxiiska iyo jardiinooyinka ayaa si wada-jir ah uu dhegax dhigay
dhismayaal cusub ay yeelan doonto garoonka weyn ee Peavey Park. Dhismayaashaan
cusub ayaa waxaa kamid ah 3 garoon ee kubadda Kolayga, nalal casri ah ee nooca
LED, qaybta caruurta ay ku ciyaaraan, garoon kubadda cagta iyo dhismayaal kale.
Jardiinkaan
dib habaynta lagu sameenayo ayaa ku dhexyaal goob ay ugu badan yihiin dadka
soomaaliyeed ee dagan magaaladan Minneapolis Dhismahaan ayaa waxaa suurta
galiyay Abdi Warsame iyo golaha degaanka oo $250 million uga qoondeeyeen
miisaaniyada sanadkii hore dhismayaasha garoomada xaafadaha.
Abdi
Warsame oo goobtaasi kahadlay ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in
dhismayaashani ay kaalin weyn ka qaadan doonaan amniga degmadiisa iyo sida
qaybaha kale magaalada ay u arkaan degmada 6’aad. “Dhismayaashaan waa bilow,
waxaa kaloo iga go’an in aan dardar galino barnaamijyo joogta ah oo lagu
mashquuliyo dhalinyaradeena.ayuu abdi Warsameoola hadlaayey dad goobta isagu yimi”
Scott
Vreeland oo ah xubin katirsan gudiga jardiinooyinka ayaa u mahadceliyey Abdi
Warsame iyo ururada xaafadaha Ventura Village iyo Phillips West.
Sidoo
kale Deeqo Axmed dagan xaafadda ayaa tiri tan waa mid ay u baahnaayeen
caruurteena waxayna noo tahay farxad iyo horemar xaafadeena ka soo muuqday 12
sano ayaan daganaa xaafadaan ,waana u mahdcelinayaa dadka hawshaan ka soo
shaqeeyay.
Dhamaan
dadweynahii kasoo qabygalay ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeye dhismayaashaan
cusub oo la dhamaystiri doono sanadka soo socdo.
Siyad
Said Salah
Hiiraan
Online
Minneapolis
MN