3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2017
Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda oo lagu wado in uu booqdo Tuulada Golweyn oo lagu dilay 12 askari

Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda (UPDF) General David Muhoozi, ayaa Talaadadii shalay booqasho rasmi ah ku yimid Magaalladda Muqdishu.

Ujeedka booqashadiisa ayaa lagu sheegay qiimeynta howlgalka ka socda dalka Soomaaliya. Sidoo kale booqashadiisa ayaa waxaa ay tahay tii ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda.

Inta uu ku suganyahay dalka Soomaaliya, waxaa uu kulamo la qaadan doonaa saraakiisha, waxaana sidoo kale uu kormeer ku sameyn doonaa saldhigyada ciidamada.

“Ujeedada booqashada ayaa ah hubinta howlgalka ciidamada, sidoo kale waxaa uu booqan doona tuulada Golweyn oo ah halkii dhawaan Al Shabaab ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa dowladda Uganda”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay AMISOM.

Gen. Muhoozi, ayaa shalay waxaa uu la kulmay taliyaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Gen. Osman Noor Subagle iyo Ambassador Madeira.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira, ayaa dowladda iyo shacabka dalka Uganda, uga mahadceliyay taageerida ay muujiyeen.

Ambassador Francisco Madeira ayaa xaqiijiyay in 12 askari ciidamada AMISOM looga dilay weerar ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose bishii lasoo dhaafay.

Warsaxaafadeed uu Muqdisho ka saasaarey ayuu ku sheegay in ay ciidamada wadeen shaqo maalmeedkooda iyaga oo sugayey amniga dariiqa u dhaxeeyo Muqdisho iyo Baraawe oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in ay tahay wado sahayda ciidanka la mariyo.

Francisco Madeira ayaa warsaxaafadeedkan ku sheegay in 12 askari weerarki looga diley, 7 kalena looga dhaawacay, kuwaas oo hadda caafimaadkooda lala tacaalayo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
8/16/2017 3:18 PM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL)-- Maamulka Puntland ayaa maanta oo arbaco ah taageero u muujiyay xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ee xiriirka u jiray dowladda Qadar , isla markaana ku baaqay in dowladda Somalia ay ka fiirsato go'aankeeda arintan ku aadan.

8/16/2017 2:58 PM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, iyadoo soo gaarsiisay warqad ay ka siday Midowga Yurub oo dawladda Federaalka loogu caddeynayey garab-istaaga iyo wadashaqeynta buuxda.

8/16/2017 2:53 PM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Maanta xarigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare oo dib-u- habeyn ballaaran lagu sameeyey, isagoo kormeeray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay, isla markaana la dar-daarmay shaqaalaha Wasaaradda. Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

8/16/2017 11:52 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) - Raila Odinga hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya ee dhawaan looga guuleystay doorashadii madaxtinimada Kenya ayaa ku dhawaaqay in uu maxkamadda ugu sareysa dalkaas uu la aadi doono dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada madaxtinimada Kenya ee todobaadkii hore lagu dhawaaqay.

8/16/2017 11:19 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) -- Xildhibaanno tirsan maamulka Hirshabeelle oo maanta ku shiray magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne ku-xigeenka maamulka Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe.

8/16/2017 7:43 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) -- Iyadoo aad moodo in laba garab uu hadda u kala jabay maamulka Hirshabeelle, ayaa dhinaca kale magaalada Jowhar waxaa ka soconaya kulamo iyo shirar iska soo horjeeda oo ay halkaa ku leeyihiin xildhibaannada labada dhinaca.

8/16/2017 6:33 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo shalay khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ka jeediyay xiritaankii kalfadhigii 3-aad ee baarlamanka Jubaland ayaa ka hadlay arimo ku saabsan qeybsiga khayraadka dalka.

8/16/2017 4:18 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) – Cabashooyin faro badan ayaa ka soo yeedhay habsami socodka shaqo ee dekadda Berbera tan iyo intii ay la wareegtay shirkadda carbeed ee DP world.

8/16/2017 3:48 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojoyadda dalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan, ayaa kullamo kala duwan waxaa ay la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti.

8/16/2017 2:58 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku ammaantay fududeynta iyo isa-soo dhiibidda hoggaamiyihii hore ee Xarakadda Al Shabaab Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor.

8/16/2017 2:39 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) – Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda federaalka in ay baarto dambiyadii uu galay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, kaddib markii maalintii shalay uu la hadlay warbaahinta.

8/16/2017 1:58 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Ugu yaraan shan askari oo Police ah ayaa lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo ka gelinkii dambe ee shalay ka dhacay gobolka waqooyi-bari ee dalka-Kenya.

8/16/2017 1:28 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhimatay weerar is-qarxin ahaa oo lagu qaaday suuq ganacsi oo ku yaalla wayoyi-bari dalka Nigeria , sida Police-ka ay sheegeen.

8/16/2017 1:07 AM EST
Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) -Allaha u naxariistee waxaa magaalada San Diego ee gobolka Califonia dalka Maraykanka ku geeryooday habeenimadii xalay wasiirkii hore ee arimha dibada Soomaaliya xiligii dowladii kacaanka Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Bare.