3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Laascaanood

 

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Mudaharaad lagaga cabanayo diidamada lacagta shilinka Soomaaliga ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Mudaharaadkan oo meelaha qaarkood rabshado isku rogey ayaan la sheegin wax khasaare ah ka dhashay, ka dib markii dhalinyaro ay weerar dhagxaan ah ku qaadeen meheradaha furan.

Inta badan ganacsiga magaalada ayaa xiran gaar ahaan kuwa ku yaala faras magaalaha, iyadoo mararka qaarkood la maqlayey rasaas  ka dhacaysa suuqa dhexdiisa, taas oo ay ridayeen ciidanka oo isku deyey inay kala dereeriyaan, iyo ganacsatada qaarkood oo iskaga celinayey.

Qaar ka mid ah dadka mudaharaadka wadey ayaa sheegay in ay waayeen waxay wax ku iibsadaan markii lagu diidey lacagtii ay haysteen.

Maamulku illaa hada kama hadlin walow ay jirtey gaadiid codbaahiyaal saaran yihiin oo lagu sheegayey in cidii lacagta diida ay ciqaab la kulmi doonto.

Diidada lacagta ayaa soo bilaabatay bishii hore markii ay soo gashay magaalada lacag duug ah oo laga keenay koonfurta Soomaaliya, waxaana kaloo ay sababtay in qiimaha sarifka doolarka uu kor u kacay, khalkhala geliyey qaabka wax iibka.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool













Click here
8/15/2017 11:30 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in siyaasadeeda gun dhig weyn u tahay soo dhaweynta cid kasta oo ka tanaasusha sida hadalka ay u dhigtay falalka argagixiso.

8/15/2017 7:56 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Kulanka ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubaland oo ahaa kalfadhigii 3-aad fadhigiisii 38-aad ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha baarlamanka Jubaland Mudane Cabdi Max’ed C/raxmaan.

8/15/2017 7:06 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay u soo noqday ku-xigeenka Amiirka Ururka Al-shabaab, hasse ahaatee sheegay in uu shan sano ka hor isaga tagay Al-shabaab.

8/15/2017 6:25 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo maalintii shalay la sheegay in kalsoonida lagala noqday ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii xildhibaannada.

8/15/2017 5:38 AM EST
Talaado, August, 15, 2017 (HOL)- Kulan ay iskugu yimaadeen shirgudoonka golaha wakiiladda iyo dhinacyaddii is hayey ayaa la isku afgartay in murankii doorashadda golaha Wakiiladda ka dhashay gudahooga ku xaliyaan sida ay maxkamadda sare qaraarka ku soo saartay.

8/15/2017 5:09 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaa kaga dhawaaqay guddoomiyaha baarlmaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed in go’aankii ay kalsoonida kala noqdeen xildhibaannada madaxweyne Cali Cabdullaahi uu ahaa mid sharci ah

8/15/2017 4:59 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo saddex ruux ayaa ku dhimtay kaddib weerar goor dhaw lagu qaaday gaari ay la socdeen dad isku qoys ah oo marayay agagaarka Isbitaalka Digfeer degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

8/15/2017 4:38 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Beesha Tanade Daarood ayaa soo gaba-gabaysay shir labadii bilood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Garowe , isla markaana ay ku dalbanayeen in loo kordhiyo xubnaha ay hadda ku leeyihiin barlmaaanka Puntland.

8/15/2017 3:10 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Dowlad-Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo isku dhaf ah oo sugaya ammaanka magaalladda Galgacyo.

8/15/2017 2:42 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in koox hubeysan ay weerar kusoo qaadeen xaruuntooda oo ku taalla waqoyga magaalladda Timbuktu ee dalka Mali.

8/15/2017 2:24 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Hoggaamiyaha dalka North Korea, ayaa warbixin ka helay ciidamadiisa taas oo sheegeysa in gantaal lagu tijaabinayo deegaanka Guam.

8/15/2017 2:10 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Wasiirka Arrimaha dastuurka ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiradda Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Veronique Lorenzo iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Xafiiska EU ee Soomaaliya, Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

8/15/2017 1:55 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti.

8/15/2017 1:44 AM EST
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ku dhimatay magaalladda Freetown, ee caasimadda dalka Sierra Leone, kaddib robab xooggan oo daad ku fatahiyay magaalada sababayna inay guryo soo dumaan.