4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Madaxweynaha Jubaland oo soo xiray Kalfadhigii 3-aad ee baarlamanka Jubaland (SAWIRRO)


Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Kulanka ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubaland oo ahaa kalfadhigii 3-aad fadhigiisii  38-aad ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha baarlamanka Jubaland Mudane Cabdi Max’ed C/raxmaan.

Madaxweynaha Jubaland ayaa mudaneyaasha usoo xiray kalfadhigii 3-aad, waxaa sidoo kale munaasbadda xiritaanka goobjoog ka ahaa Xildhibaan C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole oo katirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamanka dalka oo dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha baarlamanka Jubaland Mudane Cabdi Max’ed C/raxmaan oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in fadhiga baarlamanka maanta uu ahaa midkii ugu danbeeyay ee kalfadhigii 3-aad ee baarlamanka, isagoo ka mahadceliyay in ay kala soo qeybgaleen madaxweynaha Jubaland Mudane Ax’ed Max’ed Islaam iyo senator C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole.

Senator C/raxmaan Faroole oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay sida loogu sharfay in uu kasoo qeybgalo munaasabadda xiritaanka kalfadhiga baarlamanka Jubaland, isagoo mudaneyaasha kula dardaarmay in ay si hufan ugu shaqeeyaan shacabka ay matalaan.

Ugu danbeyntii waxaa madasha ka hadlay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay dowladnimada iyo sida ay muhiimka u tahay in mudaneyaasha baarlamanku ka shaqeeyaan adkeynta dowladnimada iyo weliba in ay had iyo jeer culeyska saaraan sidii ay cod ugu noqon lahaayeen shacabka ay matalaan.

Madaxweynaha ayaa qudbadiisa sidoo kale uga hadlay arimo la xiriira dacwadaha ku saabsan isqabqabsiga dhulalka, ayadoo madaxweeynuhu sheegay in arintaasi tallaabo cad laga qaadi doono, isagoo sheegay in ciidamo u gaar ah dacwadaha la xiriira dhulalka ay sameyn doonaan.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday Mooshinka laga keenayo madaxda dalka, isagoo xusay in dalka uu haatan ku jiro dib usoo kabasho, islamarkaana aan la gaarin waqti qofka lagu dhaliili karo wax qabad la’aan.
Ugu danbeyntii, waxaa uu sheegay in uu xiranyahay kalfadhigii 3-aad ee baarlamanka dalka.

Mudaneyaasha ayaa geli doona fasax, maadaama lagu jiro xilliga ay umadda Muslimka ahi isu diyaarinayaan soo gudashada waajibaadka xajka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.