4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2017
Baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble

 

Isniin, Augusto, 14, 2017 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goor dhow ay cod u qaadeen xildhibaanada baarlamanka Hirshabeelle in ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Cod ay u qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle madaxweynaha ayaa la sheegay in 68 xildhibaan ay u codeeyeen halka ay afar xildhibaan ka soo horjeesteen.

Waxaa loo diiday warbaahinta in ay tagaan xarunta balse qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa u sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha.