3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2017
Faah-faahin: Nin Taxsiila ah oo gaari uu watay kula Qarxay nawaaxiga Hotel Jazeera

 
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Darawal Taxsiila ah oo gaarigiisa Qarax loogu xiray ayaa maanta waxaa uu kula Qarxay nawaaxiga Hotel Jazeera oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Magaalladda Muqdisho.

Taxsiilaha ayaa la sheegay in uu u geeryooday dhaawac kasoo gaaray qaraxa, sida dad goob-joogayaal ah ay u sheegeen Hiiraan Online.

Ciidamada ilaalada xarumaha QM iyo kuwa Hotel Jazeera, ayaa soo gaaray goobta gaariga uu ku Qarxa, waxaana hadda lasoo sheegayaa in ay socdaan baaritaanno ay waddaan ciidanka dowladda.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qarax ninka taxsiilaha ahaa.

Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa ay ka dhacaan magaalladda, waxaan dowladda ay mar kasta ku cel-celisaa in wax laga qaban doono.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia














Click here
8/14/2017 10:52 AM EST
Isniin, Augusto, 14, 2017 (HOL) –Iyadoo maanta xildhibaannada baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle ku dhawaaqeen in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa waxaa arintaa beeniyay islamarkaana sharci darro ku tilmaamay madaxtooyada maamulka.

8/14/2017 10:47 AM EST
Isniin, Augusto, 14, 2017 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goor dhow ay cod u qaadeen xildhibaanada baarlamanka Hirshabeelle in ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

8/14/2017 8:56 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay kalan lagu soo bandhigayay Xog laga soo aruuriyay ka qayb galayaashii shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya kaa soo ka dhacay caasimadda Muqdisho, si loola wadaago dawladda iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana soo qaban qaabiyay madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.


8/14/2017 4:38 AM EST
Isniin, Augusto, 14, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuutu Ismaaciil Cumar “Geele” ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale dib loogu doorty shanta sano ee soo socta madxweynaha dalka Kenya.

8/14/2017 3:16 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Canab Axmed Ciise Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa sheegtay in ay soo gaareen xildhibaanno mooshin ka wadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

8/14/2017 2:57 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Kooxda Barcelona, ayaa xalay dhinaceeda dhulka la dhigay kadib markii ay la cayaareen kooxda ay xifaaltamaan ee Real.

8/14/2017 2:11 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Xubno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dalka koonfur Africa kula kulmay xubno metelayay Wasaaraddaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.


8/14/2017 1:18 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hanaanka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir.

8/14/2017 12:56 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Roboow Abuu Masnuur, ayaa waxaa uu 10-ka bishii October ee sanadkii 1969-kii uu ku dhashay magaalladda Xudur ee caasimada Gobolka Bakool ee Soomaaliya.