4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2017
Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle “53 xildhibaan ayaa ku saxiixan mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cosoble”

 
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Canab Axmed Ciise Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa sheegtay in ay soo gaareen xildhibaanno mooshin ka wadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

“Xildhibaanno gaaraya 53 xildhibaan, ayaa ku saxiixan mooshinka, kuwaasi oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka”, ayeey tiri Canab, waxaana hadalkeeda ay sii raacisay in qabashada Mooshinkaan uu yahay mid Dastuuri ah.

Magaalladda Jowhar waxaa xalay ka socday kulamo gooni-gooni ah oo ay lahaayeen xildhibaannada maamulka kuwaas oo mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha.

Shalay oo Axad aheyd, 11 wasiir oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay iska casileen xilalkooda.

Shir jaraa’id oo ay qabteen ayeey ku sheegeen is casilaaddooda wax qabad la’aan iyo in maamulku uu ka gaabiyay howlihii loo idmaday, sidaa daraadeed go’aansadeen in ay isaga baxaan.

Hasse ahatee ilo xog-ogaal ah oo ku sugan magaalladda Jowhar ayaa Hiiraan Online u sheegay in is casilaada wasiirradan la xiriirto magacaabista degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo dhawaan u wareegto ku soo saaray madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosbole.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia