3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2017
Dowladdaha South Africa iyo Soomaaliya oo kala saxiixan doona heshiisyo ay kamid yihiin Amniga iyo Dhaqaallaha

 
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Xubno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka  Soomaaliya, ayaa dalka koonfur Africa kula kulmay xubno metelayay Wasaaraddaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Wafdiga ayaa booqday Wasaaradda Gaashaadhigga iyo xarumo kale, iyagoona sidoo kale booqday xarumo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kala sooca.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga ahna Guddoomiyaha Guddiga Difaaca, Xuseen Carab Ciise ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada South Africa.

“Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno iskudhafka Ciidamada madaama ay kasoo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimuqraadiyad iyo wadashaqeynta caawinaada labada dal iyo inay naga caawin karto Hay”adaha Amminga iyo Dastuurka” ayuu yiri.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sonkor Geelle ayaa isna Warbaahinta u sheegay in labada Dowladood ay kulamo kale ku kala saxiixan doonaan qodobo ay ka mid yihiin Amniga, Dhaqaallaha iyo arrimo kale oo muhiim ah.

11-kii bishan Guddoomiyaasha Barlamaannada dalalka Qaaradda Africa, ayaa kulankoodii sanadlaha ahaa ee guddoomiyaasha Baarlamaannada Africa waxaa uu ka jeediyay khudbad.

Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka Africa, ayaa waxaa shirkaasi uga qeyb-galayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Kulanka waxaa looga hadlayay arrimo muhim ah oo quseeya Qaarada Africa gaar ahaan dhallinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaallaha, iyada oo la siinayo fursadahii ay kula wareegi lahaayeen howshaas.

“Bulshada Soomaaliyeed 70% da’dooda waxay ka hooseeysaa 30 jir, halka 42% da’dooda ay u dhexeyso 14 ilaa 29 kuwaasi oo ay horyaallaan arrimo badan oo xal u baahan”,  sidaasi waxaa kulanka ka sheegay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
8/14/2017 10:52 AM EST
Isniin, Augusto, 14, 2017 (HOL) –Iyadoo maanta xildhibaannada baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle ku dhawaaqeen in ay kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa waxaa arintaa beeniyay islamarkaana sharci darro ku tilmaamay madaxtooyada maamulka.

8/14/2017 10:47 AM EST
Isniin, Augusto, 14, 2017 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goor dhow ay cod u qaadeen xildhibaanada baarlamanka Hirshabeelle in ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

8/14/2017 8:56 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay kalan lagu soo bandhigayay Xog laga soo aruuriyay ka qayb galayaashii shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya kaa soo ka dhacay caasimadda Muqdisho, si loola wadaago dawladda iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana soo qaban qaabiyay madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.


8/14/2017 4:38 AM EST
Isniin, Augusto, 14, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuutu Ismaaciil Cumar “Geele” ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale dib loogu doorty shanta sano ee soo socta madxweynaha dalka Kenya.

8/14/2017 4:30 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Darawal Taxsiila ah oo gaarigiisa Qarax loogu xiray ayaa maanta waxaa uu kula Qarxay nawaaxiga Hotel Jazeera oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Magaalladda Muqdisho.

8/14/2017 3:16 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Canab Axmed Ciise Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa sheegtay in ay soo gaareen xildhibaanno mooshin ka wadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

8/14/2017 2:57 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Kooxda Barcelona, ayaa xalay dhinaceeda dhulka la dhigay kadib markii ay la cayaareen kooxda ay xifaaltamaan ee Real.


8/14/2017 1:18 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hanaanka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir.

8/14/2017 12:56 AM EST
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Roboow Abuu Masnuur, ayaa waxaa uu 10-ka bishii October ee sanadkii 1969-kii uu ku dhashay magaalladda Xudur ee caasimada Gobolka Bakool ee Soomaaliya.