4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2017
Waa kuma Roboow Abuu Masnuur? Maxaad ka taqaanaa taariikhdiisa? Waa qof noocee ah?

 
Isniin, Augusto 14, 2017 (HOL) –Roboow Abuu Masnuur, ayaa waxaa uu 10-ka bishii October ee sanadkii 1969-kii uu ku dhashay magaalladda Xudur ee caasimada Gobolka Bakool ee Soomaaliya.

Waxaa uu kutubo ka raacan jiray masjidyo ku yaalla magaalladda Muqdishu, halkaas oo uu sidoo kale uu ku noolaa. Sanadkii 1990-kii ayuu Islamic Law uu ka soo bartay jaamacadda Univetsity of Khartoum ee dalka Sudan.

Roboow, ayaa markii dambe kusoo noqday magaalladda Muqdishu waxaana uu la shaqa bilaabay hay’ad la yirahdo Saudi Al-Hamamain Foundation. Markii dambe dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay in uu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada.

Mukhaar Roboow, ayaa markii dambe ku biiray Maxkamadihii Islaamka, waxaana uu kasoo noqday taliye ku-xigeen, xiligaasi oo ay maamulayeen koonfurta dalka Soomaaliya.

Roboow iyo hogaamiyaal kale oo Al Shabaab ka tirsan hadda, ayaa markii maxkamaddaha ay bur-bureen waxaa ay ku biireen Al Shabaab, halkaasi oo ay kasii wadeen dagaalkooda ay kaga soo horjeedaan dowladda.

Intaasi kadib waxaa uu isaga iyo qaar kamid ah hogaamiyaasha Al Shabaab ay ku fakar noqon waayeen hogaamiyihiin Al Shabaab Abmed Abdi Godan, xiligaasi oo uu khilaafkooda uu ka bilowday magaalladda Barawe bishii June ee sanadkii 2013.

Godane, markii dambe waxaa dilay dowladda Mareykanka. Balse Mareykanka ayaa lacago dul dhigtay Mansuur. Intaasi kadib waxaa uu goostay in uu isaga baxo kooxda Al Shabaab.

Bishii lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Abuu Mansoor ayaa ahaa Hoggaamiye kuxigeenki hore ee Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Sheekh Mukhtaar Robow Abu Mansuur, ayaa shalay iskusoo dhiibay maamulka Koonfur-galbeed kadibna waxaa uu yimid magaalladda Muqdishu.

Dagaalladii uu la galay Al Shabaab.

Arbacadii-tii lasoo dhaafay ugu yaraan 19 dagaalyahanno oo ka kala tirsan Al Shabaab iyo ciidamo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa ku dhintay dagaal xooggan oo ka dhacay galbeedka Gobolka Bakool, sida saraakiil ay sheegeen.

Dagaalka ayaa waxaa uu aroornimadii hore uu ka dhacay degaanka Abal, oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Abuu Mansuur.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa mudo kooban gacanta ku dhigay deegaanka balse waxaa dib ula wareegay ciidamadii daacada u ahaa Mukhtaar Roobow Ali Abuu Mansuur.

Ku-simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi, ayaa sheegay in dagaalka uu aad u kululaa.

Dhinaca kale Saraakiil ayaa xaqiijiyay in 13 dagaalyahanno oo ka tirsan Al Shabaab iyo lix askari oo daacad u ah Mukhtaar lagu dilay dagaalka, balse ma aysan sheegin haddii uu jiro khasaare gaaray dad rayid ah.

Hiiraan Online,
News Desk